Siyaasaiyiin Waawayn oo ka Tirsanaa xisbiga wadani Oo Xuska qaranimada Somaliland ee 18may kala qaybgalay Xukuumada Somaliland,

0

-Siyaasiinta Maxamed Nuur Caraale(Duur) iyo Xildhibaan Maxamed Yuusuf Waabeeye oo ka mid ah xisbiga mucaaridka ah ee Waddani  ayaa ka hor yimid go’aankii xisbigoodu uu ka qaatay in xuska 18-ka May hore loo soo raro oo la qabto 15-ka May.

Siyaasi Duur Iyo Xildhibaan Waabeeye ayaa maanta lagu dhex arkay iyaga oo xukuumada  madaxweyne Muuse Biixi kala qayb galaya  xuska 18-ka May oo maanta looga dabaal dagay guud ahaan dalka somaliland.

Dadweynaha ayaa su,aalo badan iska waydiiyey sababta ay labadan xubnood uga hor yimaadeen go’aankii uu qaatay xisbiga ay ka tirsan yihiin ee Waddani, waxaana aragtiyaha shacabka qaarkood tilmaamayaan in Siyaasi Duur uu

rajaynayo in xil looga magacaabo xukuumada, iyada oo maalmihii u dambeeyeyna baraha bulshada lagu qaadaa dhigayey qaabkii uu uga hawl galay daminta dagaaladii ka dhacay Ceerigaabo wakhtigii uu ahaa wasiirka arimaha gudaha ee xukuumadii hore, halka xildhibaan Waabeeye aan la garan Karin ujeedada uga dambaysa inuu la safto xukuumada kana hor yimaado go’aankii xisbigiisa Waddani.

Masuuliyiinta ugu saraysa Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani oo xukuumada kaga hor yimid in munaasibada 18-ka  May hore loo soo raro ayaa laga sugayaa inay soo bandhigaan talaabada ay ka qaadi doonaan xubnaha ka horyimid isla markaana xukuumada la saftay, iyada oo hore-na ay xisbigaasi iskaga casileen xubno la qoonsaday ka dib markii ay ka qayb galeen xafladii caleemo saarka ee madaxweyne Muuse Biixi.

Siyaasi Duur Iyo Xildhibaan Waabeeye ayaa iyagu soo bandhigin sababaha ay uga horyimaadeen xisbigooda Waddani isla markaana ay xukuumada kala qayb galaan xuska 18-ka May ee hore loo soo raray.