Raag Cadaaga Siyaasada ee cali Khaliif galaydh oo Markiii Kowaad ka qaybgalay Xuska 18may, heshiiska Isfahamka ah aay wada galeen Xukuumada Somaliland

0

Hogaamiyihii kooxda Khaatumo Cali Khaliif Galaydh  ayaa markii ugu horaysay ka qayb galay xuska munaasibada 18-ka May oo somaliland laga qabanayey 27-kii sanadood ee ugu dambeeyey.

Siyaasi Cali Khaliif iyo kooxdii uu hogaamin jiray ee Khaatumo ayaa si rasmi ah uga mid noqday dalka somaliland ka dib markii ay heshiis la gaadheen xukuumadii hore ee uu hogaamin jiray madaxweyne Axmed Siilaanyo.

oo ku beegan wakhtigii ay somaliland xoriyadeeda dib ugala soo noqotay dalkii laysku odhan jiray Soomaaliya.

Siyaasi Cali Khaliif ayaa somaliland ku yimid heshiis ay wada gaadheen xukuumada Axmed Siilaanyo, isaga oo ilaa haatan sugaya in madaxweyne Muuse Biixi uu fuliyo qodobo ka mid ahaa heshiiska oo aan la hir gelin.