Wararkii Ugu danbeeyay ee Burco iyo Ceeri gaabo

0

 

Xaalada Magaalooyinka Ceergaabo iyo Burco oo ku yaala Gobolada Bariga Somaliland ayaa degan, ka dib markii ay saaka ka dhaceen Mudaharaadyo isku Ujeedo Ahi.

Mudaharaadyadan ayay dadka dhigayay waxa ay xukuumadda Talada haysa kaga dalbanayeen in ay wax ka qabato Colaada dib uga  Blaabantay Gobolka Sanaag, gaar ahaan deegaano hoos yimaada Ceel Afweyn.

Dagaal laba beelood oo walaalo Ah ku dhex Maray deegaankaasi ayaa waxa ay ku dhintay dhawr qof, kuwo kalena waxa soo gaadhay Dhaawacyo.

in kasta oo daminta coladaasi ay ku baxeen Wasiiro ka tirsan xukuumadda, hadana laba mudaharaad oo burco iyo Ceergaaoo ka dhacay ayaa waxa ay dadkii soo

abaabulay ku dalbanayeen in sida ugu dhakhsaha badan loo soo gunaanado colaadaasi.

sida ay ku soo waramayaan Wariyeyaasha Hadhwanaagnews ee Burco iyo Ceergaabo soo sheegayaan xaaladda ayaa degan, waxaana amaanka si weyn gacanta ugu haya ciidamada Booliska, maadama ay dhinaca kale ku soo beegantay maalintii ay u soo rartay xukuumadda Somaliland Xuska 18ka may oo ku beegan Berri oo ay Bisha May 15 tahay.

dhinaca kale Deegaanka Ceeryaad oo ku taala Gobolka Sanaag, in door ahna u jirta Magaaladda Ceergaabo waxa ay wararku sheegayaan in uu hal qof ku dhintay iska hor imaad dhex maray ciidamada Milatariga Somalilland iyo koox maleeshiyo ah.

si kastaba ha ahaatee xaaladda ayaa degan, waxaana maalinta Berri ah loo wada dheg taagayaa go’aanka uu ku dhawaaqi doono Madaxweyne Muuse Biixi oo dhawaan baaq nabadeed ujeediyay labada beelood ee ku dagaalamay Ceel afweyn.