Gudoomiyaha baanka dhexe ee somaliland Cali Ibraahin Jaamac (Baqdaadi) ayaa amaro culus dul dhigay baananka iyo xawaaladaha aan ruqsadaha haysan.

0

Gudoomiyaha baanka dhexe ee somaliland Cali Ibraahin Jaamac (Baqdaadi) ayaa amaro culus dul dhigay baananka iyo xawaaladaha aan ruqsadaha haysan.

Gudoomiye Baqdaadi oo saaray wareegto amaro culus xambaarsan ayaa ku xusay in dhamaan amaradan lagu fulin doono mudo aad u kooban, waxaanay amaradu u dhignaayeen sidan.

 

gudoomiyaha baanka dhexe ee somaliland isaga oo adeegsanaya xeerarka kala duwan ee baanka dhexe ee u ogolaanaya inuu wareegto noocan ah soo saaro waxa uu ku war geliyey xawaaladaha somaliland qodobadan soo socda

  1. Inaanay qaban Karin lacag dhigaal ah haba yaraatee oo cusub laga bilaabo taariikhda ay wareegtadani soo saartay.
  2. In dhamaan wixii dhigaal ah

 

  • ee ay hayaan ay dhigtaan baanka dhexe ee somaliland ama bangiyada ruqsadaha ka haysta mudo sodon maalmood gudahood ah kuwaas oo kala ah Dahabshiil Bank, Darasalaam Banka iyo Premier Bank.
  • In dhamaan xawaaladaha ay ka dhaceen ruqsaduhu ay dib uga soo cusboonaysiistaan baanka dhexe ee somaliland mudo 15 maalmood gudahood ah oo ka bilaabmaysa wakhtiga ay soo baxday wareegtadani.
  • In dhamaan xawaaladaha aan ruqsadaha haysan ee aan hore u qaadan ay iska diwaan geliyaan baanka dhexe ee somaliland mudo 15 maalmood gudahood ah oo ka bilaabmaysa taariikhda ay wareegtadani soo baxday