Jubaland Hadaan Nahay Imaaradka Nooga Roon dawlada xamar, Madaxwaynaha Jubaland

0

Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa dhaliilay siysaasadda dowladda federaalka ee ku aaddan khilaafka Khaliijka.

Wuxuu ku eedeeyay dowladda inay ka weecatay mowqfikii ay horay u qaadatay ee dhexdhexaadnimada.

“Arrinta khaliijka dowladdu dariiq sax ah ma ahan waxa ay ku dhaqmayso, ama dib ha uga noqoto go’aankeeda, annaga haddii aynu nahay Jubbaland, dowladda Soomaaliya waxtarkeeda maanta Imaaraadka ayaa nooga wacan.” ayuu yiri Axmed Madoobe.