Sjirkada Hass Patroleum oo Eeda Batroolka Xun Dusha Ka Saartay Shirkad Kaele Oo Aay Shuraako Yihiin,

0

Shirkadda Shidaalka  ee Hass Petroleum ayaa shacabka Somaliland u cadaysay in aanay dalka keenin shidaal tayadiisu aad u hoosayso.

Waxaanay sidaasi ku sheegeen shirjaraaid oo ay maanta ku qabteen Magaaladda Hargeisa Madaxa suuqgaynta iyo xidhiidhka Bulshadda ee shirkadaas Md Xasan Miisaan iyo Madaxa kaalmaha shidaalka ee HASS Md Cal Qodax.Shirkadda HASS Patroleum waxa ay xukuumada Somaliland ugu baaqday in ay talaabo ka qaado cidii shidaalka xun dalka keentay.

Ugu horayn Waxa halkaas ka hadlay, Kaas oo tafaasil ka bixinaya Arrimahaas, Waxa uu hadalkiisa ku bilaabay  “Waxaa weeyi in aanu cadayno shidaalka xun ee wadanka

soo galay aanay ka masuul ahayn shirkada Hass Petroleum, Hass Petroleum waxay ka shaqaysaa 12 dal oo bariga afrika ah waxa uu ku soo caan baxay keenista shidaalka aadka tayadiisu u wanaag san tahay dhamaan wadamada uu ka shaqeeyo iyada oo Hass Petroleum xidhiidh la leedahay konbaniyada dunida ugu waa wayn isla markaana ay haysato shahaadooyinka ugu wanaag san ee hubinta tayooyinka shidaalka ay wadamada ay keenayso, marna nagama suurawdo in aanu keeno shidaal aanu tayadiisu wanaag sanayn, waxaanu caday naynaa in Somaliland la keenay shidaal xun isla markaana la keenay haamaha shidaalka ee berbera, hadii aanu nahay Hass Petroleum shidaalkii ugu dan beeyay waxaanu keenay sadex bilood ka hor shidaal kaasina waxa uu ahaa shidaal aad tayadiisu u sarayso isla markaana in yari hada ugu jirto in yari haamaha waxaa dhacday in lagu shubo shidaal aanay tayadiisu wanaag sanayn isla markaana ay ku dul shubaan midkamid ah shirkadaha soo dajiya shidaalka, sababta keentay shidaal kaasi in lawada is ticmaalo haamaha oo ay wada is ticmaalaan kanbaniyada soo dajiya shidaalka, taas oo sababtay shidaal kayagii tayada lahaa lagudul shubo shidaal aanay tayadiisu wanaag sanayn taasi oo wadanka oo dhan saamayn ku yeelatay”. Ayuu yidhi Cali Qodax.Sidoo kale Madaxa Suuqgaynta iyo Xidhiidhka Bulshadda Xasan Miisaan oo ugu danbayn halkaasi ka hadlay, Waxa hadalkiisii ka mid ahaa “Waxaan ugu baaqaynaa Xukuumada Somaliland gaar ahaan wasaaradda ganacsiga in ay baadhis ku samayso cidii keentay shidaal kaasi xun ee dalka yaala ayna la tiigsato  sharciga. Hass Petroleum shidaalkii ugu danbeeyay ee dalka aanu keeno sadex bilood ayaa ka soo wareegay hada khasaaraha na soo gaadhay waa khasaaro wayn, macaamiisha sharafta leh waxaanu u sheegayna in Hass Petroleum shidaal kaasi xun in aanay keenin kuna shubin haamaha kaydka shidaalka.