Masuul Ka Tirsanaa Xukuumada Oo Is Casilaad Ugu Baaqay Wasiirka Ar

0

Agaasimihii is casilay ee wasaarada qorshaynta qaranka somaliland Prof Cabdi Cali Jaamac ayaa ugu baaqay wasiirka arimaha dibada Dr. Sacad Cali Shire inuu iska casilo xilka uu u hayo qaranka.

Prof Cabdi Cali ayaa qoraal uu ku baahiyey bartiisa Facebook waxa kale oo uu ku sheegay inuu ka noqday taageeradii uu u hayey heshiiska shirkada DP World loogu gacan galiyey dekeda Berbera isaga oo xusay inuu noqday mid la marin habaabiyey.

Prof Cabdi Cali ayaa qoraalka uu baahiyey u dhignaa sidan:-

Maxaad Yeeli lahayd Haddii aad Tahay Wasiir Sacad Cali Shire oo ay dhacdo Fadeexadan wayni.

Maanta oo kale anigu haddi

aan ahaan lahaa Wasiir Sacad Cali Shire,Istiqaalad ayan dhiibi lahaa iyo waliba xaal-marin aan dadka waydiisto cafis; maxaa yeelay waxa dhacday Fadeexaddii Water gate.

Nasiib wanaag Sacad ma ihi sidaas darteed waxan ridanayaa waajibkayga oo ah Sidan :

Waxan halkan ku caddaynayaa maanta laga bilaabo inaan ka noqday r’ayigii teegaarada ahaa ee qaarkood qoraalada ahaayeen ee la xidhiidhay DP Wolrd, maadaama lay marin habaabiyay.

Noolaada