Imaaraadka Oo Albabada u Xidhay Xidhiidhkii dawlada xamar ,kadib Markii Farmaajo ka dhacay Lacagtii Lagu tabobarayay Ciidamadooda

0

Dalka Imaaraadka Carabta ayaa war qoraal ah oo uu shalay soo saaray ku sheegay inuu kala diray barnaamijkii tababarka milatari ee uu u fidin jiray ciidamada Somaliya.

Qoraalkan oo ay faafisay wakaaladda wararka ee imaaraadka ayaa lagu sheegay in Imaaraadka uu talaabadaasi kaga jawaabayo, lacag ay dowladda Somaliya dhawaan ku qabatay Muqdisho oo uu imaaraadka lahaa.

Hadaba Maxay u dhimeysaa talaabadaa dhismaha ciidanka Somalia?, Maxeyse uga dhigantahay xiriirka labada wadan ee mudooyinkanba sii xumaanayay? Su’aalahaa iyo kuwo kale ayaan hordhigay, Proffesor: Cabdi Ismaaciil Samatar oo bare ka ah Jaamacadda Minnesotta ee dalkan Mareykanka.