Madaxweyne Muuse Oo La Weydiiyay Wakhtiga Uu Wareejin Doono Guddoomiyaha Kulmiye + Jawaabta Uu Ka Bixiyay

0

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa markii ugu horeysay shaaciyay in uu wareejin Doono Kursiga Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, hasayeshee waxa uu ku xidhay Shuruud.

In kasta oo si weyn loogu dheg taagayay Kursiga Guddoomiyaha Kulmiye isla markaana uu jiray tartan adag oo loo gelayaa, hadana waxa uu si kooban u cadeeyay in Madaxweynenimada iyo kursiga Guddoomiyaha Kulmiyeba ay leeyihiin wakhtiyo u xadidan.

“Xisbigu Xeer Buu Leeyahay Oo Xeerkaas Baa lagu dhaqmayaa, Xisbiga Waan Wareenin Doonaa Oo Madaxweynenimada Waan Wareejin Doonaa oo midnaba inta aan sii fadhiisto mudadii aan lahaa ku dhaafi maayo” ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo


waraysi dheer siiyay Wariye Cabdisalaan Hereri oo ka tirsan Telefishanka Universal.