Gancsatada wax kala Soo Degta Dekada Berbera oo ka cabanaya cashuur Lagu Kordhiyay iyo Saaka Oo Aanay badeecadhoodii cashuuran

0

 

Wasaarada Maaliyada oo cashuur Kordhin, ku Samaysay Badeecadahii Kasoo Degayay dekada Berbera,

Saaka Subaxii Hore Ayaaa ganacsatada wax kala soo Degta Dekada Berbera waxay la Kulmeen tacriifad Cusub oo la Kordhiyay, waxaana Kor Loo Qaaday Qiimahii Aay wasaaradu wax ku Cashuuri Jirtay,

Mid kamida ganacstada oo Khadka Telofanka Kula Soo xidhiidhay HWN Ayaa xaqiijiyay in 40% Tacriifad u dhiganta la Kordhiyay cashuurtii Badeecadaha Kasoo Dega Dekada Berbera, Intaa wuxuu Ku daray marka Laga Reebo raashinka oo Isaga La Kordhiyay 20%, Ninkan ganacsdaha oo Codsaday In aan magaciisa la Sheegin waxaa kale oo uu Yidhi

Tacriifada wax Lagu cashuuro waxay Ku Qiimaysnayd Doolar , halkii Doolar waxay Xukuumada Somaliland Ugu garaaci Jirtay ganacstada Qiime Dhan Shan Kun Oo

S/l Shiling ah[ 5000 S/l Shiling] Iminkana waxaa Laga Dhigay Todaba kun oo S/l Shiling Ah [7000S/l Shiling] , Sidoo kale Wuxuu Intaa ku daray in raashimada Lagu Kordhiyay 1000 S/l Shilig Ah oo Noqonaysa in Lagu garaaco Doolar ahaan Lix Kun Sl/shilling [6000 s/l Shiling]

Dabcana wuxuu Intaa Ku daray  in aay Ganacsatadani  U dacwoon Doonaan Xukuumada sare ama Madaxwayne Biixi maadaama ayuu yidhi wadanka Sicir barar bahasani ka Jiro tanina aay Kor Usii Qaadi Doonto Muceeshada iyo badeecaadaha kaleba,

Wararka Ugu danbeeyay Ayaana Sheegaya in aan saaka ganacsatadu waxba Cashuuran oo shaqadu istaagtay,

Maamulaha kastamka oo Aanu isku daynay in aanu wax ka waydiino Cabashada ganacstada Ayaany Noo Suura galin

 

Warqadan  qiimaha  lagu  kordhiyay  hoos ka akhriayaa waxaa ku sxaeexan wasiirka maaliyad somalilan