Xidhiidhka Siyaasad ganacsiga Ee CHAINA iyo USA oo halkii Ugu Darnayd maraya, hanjabaad Run Noqotay

0

Dowladda Shiinaha ayaa si kulul uga jawaabtay tillaabadii ugu dambeysay ee ay ku dhawaqday dowladda Mareykanka ee ku saabsanaa liis waxyaabaha laga soo dhoofiyo Shiinaha oo canshuuro dheeraad ah lagu soo rogay.

Bayaan uu soo saaray wasiirka ganacsiga ee Shiinaha ayaa ka digay in ay qaadayaan tillaabooyiin “la mid ah oo adag islamarkana baaxad leh.

Dowladda Shiinaha carabka kuma aysan dhufan nooca tillaabooyiinka ay qaadayso.

Tillaabadan ugu dambeeysay ee ay Mareykanka qaadeen ayaa waxa canshuro dheraad ah lagu soo rogayaa in ka badan 1,300 oo ah alaabaha laga soo dhoofiyo Shiinaha.

Waxyaabaha Shinaha ay Mareykanka u soo dhoofiyaan ayaa waxa dul fuuli doona canshuur dhan 25%.

Waxaa jiri doona 60 maalmood oo wadatashi laga samayn doono arrintan ka hor inta aan la dhaqangalin.

Xukuumadda Beijing ayaa sheegtay “in si adag ay u cambaareynayso islamarkana ay si adag uga soo horjeedo.

“Tillaabadan halka dhinac ah waa mid si wayn u jabinaysa mabaa’dida asaasiga ah ee ururka caalamiga ah ee ganacsiga,” ayaa lagu sheegay bayaanka Shiinaha.

Xukuumadda Shiinaha ayaa sheegtay in tillaabada Mareykanka aysan dan ugu jirin labada dal “aysan xitaa u wanaagsanayn danaha dhaqaalaha caalamka”.