Taariikh Nolaleedkii fanaanada sahra axmed jaamac oo Xaqu Ugu Yimid hargaysa

0

ILAALILAAHI WA INAA ILAAYHI RAAJUCUUN”

Hargeysa(HWN) Ilaahay naxariistii Janno ha siiyee waxaa magaalada Hargaysa Abaaro 9:30 Subaxnimo ku geeriyootay fanaanadii waynayd Sahra Axmed Jaamac.

Sahra Axmed Jaamac Waxa ay ka mid ahayd Hoboladii kooxdii   Waabari waxana ay ahayd hobalad sida xidigta uga dhex  Iftiimaysay  Fanka Somaaliyeed, Waxaany ku Dhalatay Magaalada Hargeysa Gaar ahaan Xaafada (Dumbuluq)

Sahra Axmed  sida ay waraysiyo kala duwan oo lala yeeshay  ku sheegtay waxa magaalada  Ceerigaabo oo qoyskeeddu ku noolaayeen la geeyay  iyada oo 9 jir ah, wakhtigii ay dadeedu ahayd  13 jirna ay dib ugu soo noqotay magaalada Hargeysa.

Sahra oo wakhtigaasi Da’a Yarayd waxay ahayd qof fanka aad u xiisaysa aadna u jeclayd

waxayna fanka ku soo biirtay Sanadkii 1969 kii Oo ay wakhtigaas ahayd 13 jir, waxaanay magaalada Muqdisho kaga qayb gashay riwaayad uu sameeyey alle haw naxariistee abwaankii weynaa ee Cali Sugule (Dun Carbeed).

Alle haw naxariistee fanaanadii Sahra Axmed Jaamac wakhtigii ay fanka ku cusbayd waxay qaaday heeso dhawr ah kuwaas oo ay ka mid ahaayeen  “gacantaada Midig waan u baahanahay Hayga Goyn Gacal Walaal” iyo heesta ay wada qadaan Maxamed Nuur Giriig “Inanyahow Khaldani Hubka iga Dul Qaad”.

Markii ay fanka si toos ah u gashay alle haw naxariistee fanaanadii Sahra Axmed Jaamac qofkii ugu horeeyey ee tijaabiya hibadeeda ayaa ahaa nin  Cali Faynuus oo tumi jiray kamanka, waxaana lagu tilmaami jiray fanaanada Sahra Axmed Jaamac inay ahayd gabadh aad u xishood badan balse xishoodkaasi aanu ka hor istaagin inay noqoto fanaanad weyn oo caan ah.

Marxuumad sahra waxa ay ahayd hoboladii waabari qaybteedii Hargeysa, sida caadada ah fanaanintu waxa ka qayb galaan tartan faneed kaas oo uu fanaanku ku soo baxo balse sahra si caadiya ayaa markiiba loo qaatay oo wax tartan ah oo ay soo gashay muu jirin.

Sahra sido kale nolosheeda dhamaanteed waxa ay ku tiirsanayd ama ay ahayd fanka balse wax kale ma ay qaban ama kama ay shaqayn jirin, iyada oo matashay riwaayad lagu xasuusto inay matashay riwaayadii dab jacayl kari waa iyada leh uurka inanteeda curad ee Ayaan, iyada oo ay badashay Khadra Daahir Cige.

Sahra Axmed Guud ahaan Waxay Caruur dhashay shagaal shan ka mid ahi yihiin haween afarta kalana yihiin wiilal, inanteeda ugu weyn waxa ay hada dagantahay oo ay ku sugantahay dalka Finland

Sahra Badhtamadkii Sanadkii 1999 ayeey u gurtay Qubaha Gara ahaan Dalalka Mareykanka Iyo Ingiriiska waxayna mudooyinki u dambeeyay Ku Sugnayad Isla markaana ay daganayd Magaalada Hargeysa Oo Ay Maanta Ku Geeriyootay