madaxwaynihii xilka qasabka looga qaaday ee koonfurta afrika oo maxkamda looga yeedhay,

0

 

Madaxweynihii hore ee dalka South African Jacob Zuma ayaa looga yeedhay maxkamad si uu u wajaho 6-da bisha April dacwad isaga ka dhan ah oo la xidhiidha  musuqmaasuq.

Booliska ayaa sheegay in warqada u yeerista Zuma lasoo saaray Isniinti shalay.

Xafiiska Dacwad-oogayaasha qaran ee South Africa ayaa horraantii bishaan sheegay in ay Jacob zuma kusoo eedeyn doonaan 16 dacwadood oo ay ku jiraan ku-takri-falid awood, musuq-maasuq iyo lacago been abuur.

Dacwadaha ayaa sidoo kale waxaa ku jira heshiisyo dhinaca hubka ah oo uu Zuma ku lug lahaa sanadkihii sagaashamaadkii. Dacwadahani ayaa sannado badan ka hor la tuuray, kadib inta uusan Zuma u

ordin xafiiska sanadki 2009-kii.

Zuma ayaa horay u beeniyay eedaha loo soo jeediyay. Qareenada difaacaya ayaa sheegay in ay racfaan ka qaadan doonaan eedaha cusub ee lagu soo oogayo madaxweynihi hore ee South Africa.

 

Sources:VOA