Qaxootiga Etiopian ka ah Ee Kasoo Cararay dagaalada dalkooda Ka Socda oo Diiday In Aay Dib U Labtaan

0

Xukuumadda Itoobiya ayaa sheegtay inay billaabi doonto dib u celinta kumanaan qaxooti ah oo u cararay Kenya todobaadkii hore.

In ka badan 40,000 oo qof ayaa qaxay, ka dib markii 10 qof lagu dilay dhinaca Itoobiya ee magaalada Moyaale oo ku taalla xudduudda.

Masuuliyiinta Itoobiya waxay sheegeen in toogashadu ahayd hawlgal amniga la xiriira oo lagu guul darraystay.

Waxaan la hadlay Guyo Jarso oo ah 21 jir ah, laba goorna la toogtay. Xabbad ayaa dhinac ka goosatay, mid kalena gacantiisa ayey ka dhex baxday.

“Waa askarta Itoobiya kuwa na toogtay. Waxay bilaabeen inay dadka rasaas ku ridaan” ayuu igu yiri.

Mr Guyo waxaa markii dambe u suurto gashay inuu xudduudda uga soo gudbo dhinaca Kenya. Waxaan kula kulmay xarun caafimaad oo ku taalla Somare, halkaasoo lagu dabiibayey.

“Marnaba halkaa dib uguma laaban doono. Waa magaaladaydii, laakin nafta aya ka qaalisan” ayuu yiri.

Saraakiishu waxay sheegayaan in dadka rayidka ah si khaldan loo dilay intii uu socday hawlgal lagu daba joogay xubno ka tirsan jabhadda xoraynta Oromo, taasoo laga mamnuucay Itoobiya.

Xukuumadda Itoobiya waxay sheegtay in askartii ku lugta lahayd hawlgalka la xirxiray, baaritaanna lagu hayo.

Safiirka Itoobiya u fadhiya Kenya Dina Mufti ayaa u sheegay BBC in uu dhacay “shil nasiib darro ah oo cabsi ku dhex abuuray muwaadiniinteenna”.

Laakinse wuxuu ku adkaystay in “sida cad la gaar wakhtigii ay dalkooda ku laaban lahaayeen”.

Xiriiriyaha barnaamijka baahida degdegga ah ee hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Burton Wagacha wuxuu ii sheegay in aysan jirin xeryaha Kenya biyo iyo adeeg caafimaad oo ku filan dadka soo qaxay.