Dacwad Oogayaasha Maraykanka Oo Kiis Dil Ah Ku Oogy Askari Booliis Ah Oo Asalkiisu Yahay Somali

0

Dacwad oogeyaal Maraykan ah ayaa dacwado dil ku soo oogay nin Soomaali ah oo booliis ka ahaa Maraykanka kaas oo toogasho ku dilay gabadh aan hubaysnayn oo Australian ah.

Maxamed Nuur oo 32 jir ah ayaa ka soo muuqday maxkamadda Justine Damond ee magaalada Minneapolis.

Dacwad oogeyaashu waxay sheegeen in lagu soo oogay dil heerka labaad ah iyo mid heerka saddexaad ah.

Gabadha lagu magacaaabo Damond ayaa dhimatay bishii Luulyo ee sannadkii hore ka dib markii ay iyadu u wacday booliiska si ay ugu wargaliso tacadi ka dhacaya gurigeeda agtiisa.

Qareenka Maxamed ayaa sheegay in askarigu uu ku taagnaa qaabkii loo soo tababaray ee booliisnimada.

Laakiin Mike Freeman oo maxkamadda ka hor caddaynayay dambiyada loo haysto Maxamed ayaa sheegay “in uu taxadar la’aan ahaa, hubkiisana uu si ula kac ah u riday”.

Ma jirto wax caddaynaya in askari Maxamed ay soo wajahday halis, uu baaray arrin halis ah, ama xaqiijiyay halis uu qiil ugu heli karo in uu qaato go’aanka uu dilka ku gaystay” ayuu Freeman u sheegay saxafiyiinta.

Haddii lagu helo dambiyadaas lagu eedeeyay Maxamed wuxuu mutaysan karaa ilaa 25 sano oo xabsi ah.

Dhimashada Damond oo sidoo kale loo yaqaanno Justine Ruszczyk ayaa guux ka dhalisay Maraykanka iyo Australia.