Gabdh Yar Oo 12 Jir ahayd Oo sawir laga Qaaday u Sababay In Aay Noqoto Aktarad Caan Ah,

0

Instagram-ka ayay kaga sheekaysaa waayaheedii nolosha iyo waxyaabihii ay soo martay oo taariikhdeedii hore inay daboosho iskuma daydo.

Gaviola waxay ka dhalatay qoys aad u liita oo meel hoosaysa dhanka nolosha kaga jira dalka Philippine, waxayna ka soo jeedda dadkii asalka ah ee Philippine, waddooyinka ayay ka tuugsan jirtay si ay u garab istaagto labadeeda waalid iyo shan caruur ah oo la dhalatay.

Burgos oo ah sawiraagii markii hore ishiisu qabatay ayaa waxa uu yidhi “Waxay nagu soo jiidatay quruxdeeda, waxaan raadinayay wax wanaagsan oo aan sawirto, waan dabagalay si aan xagal wanaagsan u eegto, kadib sawirkan aad aragtaan ayaan ka qaaday.”

Sawirka ayaa waxa uu ku faafiyay bartiisa Facebook, waxaa sii share-gareeyay kumaan qof oo kale. Dadka wanaaggu kama dhamaadee, waxaa loo bilaabay ol’ole tabarucaad ah oo dhanka internet-ka ah, lacag ayaa loo ururiyay, waxaana lagu dhiirrigaliyay inay waxbarato, xilligaas waxay jirtay 12-sano.

Rita sidoo kale waxay soo jiidatay indhaha dadka aflaamta sameeya, waxayna waxaa lagu daray barnaamijka caanka ah ee “Big Brother” nuskhaddiisa Philppine, waxayna xiddig ka noqotay waddankeeda.

Barteeda Instagram waxaa la socda oo isha ku haya 100 kun oo qof.

Marka ay ka sheekaynayso waxay tiraahdaa “Weli ma’aanan illoobin maalintii sawirka la iga qaaday, xilligaa waxaan dareemayay baqdin iyo werwer, maxaa yeelay?; maskaxda kuma aan hayn waxa uu mustaqbalku ii qarinayo.”