Diyaarado Joog Hoose Ku Duulaya Oo Shaki Ka Abuuray Magaalada Saylac Iyo Ciidamada Bada Somaliland Oo Ka Hadlay

0

Diyaarado joog hoose ku duulaya  oo wata astaamaha ciidamada milatariga ayaa dul heehaabaya magaalada Saylac ee xarunta gobolka Selel.

Diyaaradahan oo tiradoodu gaadhayso afar ayaa aad ugu soo dhawaaday magaalada, iyada oo guuxoodana si dhaw looga maqlayey guryaha magaalada Saylac.

Diyaaradahan ayaa dhawr jeer soo dul maray jasiirada sacaadadiin iyo magaalada Saylac iyada oo aan ilaa hada la garanayn ujeedada ay leeyihiin iyo cida iska leh diyaaradahaasi.

Dhinaca kale ciidanka ilaalada xeebaha somaliland ayaa war ay ku baahiyeen boga ay ku leeyihiin Facebook ayaa tirada diyaaradahan ku sheegay 6 ilaa 7 diyaaradood, iyaga oo sheegay inay diyaaradahani ka  tirsan yihiin saldhigyada Nato ee dalka Jabuuti.

Sidoo kale warka lagu baahiyey
boga Facebook ee ciidamada bada somaliland ayaa  in taliyaha aaga galbeed ee fadhigiisu yahay magaalada Saylac Gaashaanle Dhexe Maxamed Yuusuf Otor uu taliska guud u soo gudbiyey taliska guud ee ciidamada bada somaliland.

Taliyaha ayaa sheegay inaanay helin wax xidhiidh ah oo ay ku aqbaleen inay diyaaradahani soo galaan hawada somaliland, isaga oo xusay in mar kasta oo ay ciidamadu dhawaadaan ay kacayaan isla markaana ay dul heehaabayaan magaalada Saylac.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada ilaalada xeebaha somaliland ay awoodaan inay wax ka qabtaan diyaaradahan jooga hoose ku duulaya balse ay ka digtoon yihiin wixii amniga geeska Afrika waxyeelaya isla markaana abuuri kara khilaaf nabad galyo horseedi kara.