Dalka ethiopia oo Goor Dhow La Magacaabi Dooni Raysalwasaare Cusub

0

sbahaysiga talada haya ee Itoobiya ayaa la filayaa in ay goor dhow kulmaan si ay u doortaan hogaamiyohooda xiga.

Qofka hogaamiyaha xisbug loo doorto ayaa noqon doona ra’isalwasaraha cusub ee dalka Itoobiya.

Qofka la doorto ayaa mas’uuliyad adag qaadi doona iyadoo wadanka ay ka jiraan mudaaharaadyo rabshada wata.

Rai’salwasaarihii hore ee Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa 15-kii febaraayo ku Dhawaaqay in uu iska casilay xilka raisal-wasaaranimada iyo gudoomiyha xisbig EPRDF, jagadaasi oo uu hayay tan iyo 2012-kii

Xisbiga is bahaysiga EPRDF waxa uu ka koobanyahay afar xisbi siyaasadeed oo ka kala socda qoomiyadaha ugu waawayn dalka Itoobiya.

Balse khilaaf soo kala dhex galay isbahaysigan ayaa adkeeyay in la saadaaliyo qofka uu noqonayo ra’isalwasaaraha xiga ee dalka Itoobiya.

Isabahaysigan ayaa talada wadanka hayay tan 1991 ka dib markii ay burburtay dowaladdii ka horeysay .

Waa kuwaan toddobada shaqsi ee u sharraxan qabashada xilka rai’sul wasaaraha Itoobiya.

Waa madaxweeynaha goblka Oromiya iyo gudoomiye ku xigeenka xisbiga OPDO.

47 jirkan ayaa ku dhashay kuna soo barbaaray bariga Welega ee gobolka Oromiya.

Bishiii Decembar ee la soo dhaafay waxa uu cambaareeyay dilka loo geeysanayo dadka dibedbaxayaasha ah.

Waxa uu sidoo kale ogolaaday in uu wadahadal la yeesho ururada mucaaradaka dalkaasi.

Waxaa loo arkaa in uu yahay musharax awooda in uu mideeyo wadanka, balse waxa ku adag waddadii uu u mari lahaa in uu ku fariisto kursigaasi sababtoo ah ma aha xubin ka tirsan baarlamaanka federaalka.

Waa gudoomiya xisbiga OPDO, waxaana loo arkaa in uu yahay qofka loo badinayo in uu bedelo ra’isalwasaarhii hore.

Waa siyaasi rug caddaa ah sidoo kalana aqoontiisu ay sarreyso.

Waxaa uu ku dhashay caasimadda Agaro ee gobolka Oromiya waxa uuna ka soo jeedaa qooys isugu jira mMuslimiin iyo Masiixiyiin.

42 jirkan ayaa xisbiga OPDO ku biiray dabayaaaqadii Sideetameeyadii.

Waxa uu la soo shaqeeyay Milatariga waxaa uuna gaaray jagada Korneel.

Mr Debretsion waxa uu ku dhashay Shire oo ku taalla waqooyiga gobolka Tigeeryda, Waxa uu dhiganayay oo uu dhexda uga tagay isga oo dhamaysan jaamacadda Addis Ababa, waxa uuna ku biiray koox hubeeysan oo ka soo hor jeedday dowladdi markaasi jirtay.

Markii dambe waxa uu aaday dalka Talyaaniga halkaasi oo uu ku soo qaatay tababar ku saabsanaa Tiknoolajiyadda.

Markii uu waddanka dib ugu soo laabatay waxa uu gobolka Tigreeyda ka asaasay Idaacad lagu magacaabo “Dimtsi Weyane”.

Markii isbaheysiga EPRDF uu la wareegay talada wadanka waxa loo magaacabay ku xigeenka madaxa Hay’adda Sirdoonka Qaranka.

Haatan waa gudoomiyaha xisbiga TPLF ahna wasiirka warfaafinta.

Waa ra’isalwasaare ku xigeenka waddanka.

Waxaa uu xisbiga is bahaysiga ee EPRDF ku biiray ka dib markiii uu dhameeyay jaamacadda, sanado yar ka dibna waxa uu xubin ka noqday baarlamaanka gobolka Amxaarada.

Bartamhii sanadkii 2000 waxa uu noqday madaxweeyne ku xigeenka gobolka Amxaarada, sanad ka dibna waxa uu ka mid noqday xubnaha sarsare ee xisbiga ANDM.

Sanaddi 2013, waxaa loo magacaabay gudoomiye ku xigeenka isbahaysiga EPRDF.

Ka hor inta uusan siyaasadda ku soo biirin waxa uu ahaa macalin,waxaa uu soo noqday Wasiirka Waxbarshada ee dalka Itoobiya.

Waa wasiirkagaashandhiga ee Itoobiya .

Waxa uu inta badan ka soo muuqdaa warbaahinta marka ay dowladda ay ka hadleeyso xaaladaha amarka degdegga ah ee uu wadanka ku jiro.

Waa xubin ka tirsan xisbiga SEPDM oo ah xisbiga uu iska casilay ra’isalwasaarahii hore waxaana loo magacaabay gudoomiye ku xigaanka xisbiga

Waa xoghayaha isbahaysiga EPRDF, Waxa uu soo noqday wasiirka Waxbarashada ee Itoobiya.

Waa gudoomiyaha cusub ee xisbiga SEPDM waxa uu bedelay ra’isalwasaarihii xilka iska casilay.

Waxa uu ku dhashay Haroressa oo ku taalla gobolka Galbeedka Itoobiya.,Waxa uuna horey u ahaan jiray macallin ka hor inta uusansiyaasadda ku biirin.

Dadka qaar ayaa sheegaya in doorashada loo doortay in uu noqdo gudoomiyaha xisbiga SEPDM ay u gogol xaarayso suurtagalnimada in uu noqdo