Xukuumada Somaliland ayaa mar kale soo saartay qodobo lagu xakamaynayo sicir bararka dalka ka jira.

0

Xukuumada Somaliland ayaa mar kale soo saartay qodobo lagu xakamaynayo sicir bararka dalka ka jira.

Gudida xukuumada u qaabilsan xal u helida sicir bararka oo goor dhawayd shir jaraa,id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa soo bandhigay wakhti ay u qabteen in shirkada Telesom ay ku joojiso adeega sarifka ee ay ka dhex furtay Zaad.

Sida uu sheegayo wariyaha Hadhwanaagnews ee goob jooga ka ahaa shirkaasi Jaraa,id Maxamed Aadan Ismaaciil,Wasiirka isgaadhsiinta iyo Technology-yada Dr Cabdi Wali Sheekh Cabdilaahi Suufi Jirbiir oo ka hadlay shirka jaraa,id ee ay guddidu qabteen ayaa xusay in ugu dambayn caawa 12:00 habeenimo ay ka doonayaan shirkada Telesom inay joojiso

adeega isku sarifka lacagaha ee ka dhex shaqaynaa nidaamka Zaad.

Sidoo kale  isgaadhsiinta iyo Technology-yada ayaa sheegay inay wax ka qaban doonaan cabashada ay soo bandhigtay shirkada Telesom isaga oo xusay inay si mug leh hoos ugu eegi doonaan, tabashada ay qabto shirkadaasi.