Maxkamad ku taal Ciraaq ayaa dil ku xukuntay shan iyo toban dumar ah oo Turki ah oo lagu eedeeyey in ay ka tirsanyihiin kooxda la baxday Dawladda Islaamka.

0

Maxkamad ku taal Ciraaq ayaa dil ku xukuntay shan iyo toban dumar ah oo Turki ah oo lagu eedeeyey in ay ka tirsanyihiin kooxda la baxday Dawladda Islaamka.

Maxkamaddu waxay sheegtay in la cadeeyey in dumarkaasi u dhaxeen rag ka tirsan kooxdaas oo ay taakulana siiyeen. Qaarkoodna waxay gacan ka gaysteen weerarro ay qaadeen jihaad alooseyaashu.

Dhawr dumara oo kale oo shisheeye ah ayaa mar hore iyagana dil lagu xukumay oo isla eedo kuwan la mid ah lagu oogay, kuwo kalena waxa lagu xukumay madaxaa ha ku furto.

Boqolaal dumar shisheeye ah ayaa lagu qabtay Ciraaq intii uu socday dagaalkii ay dawladdu kula jirtay kooxda la baxday Dawladda Islaamka, waxaana haatan socota maxkamadayntooda.

Ururada u dooda xuquuqda aadanaha ayaa dhaleeceeyey xukunnadaa ku dhacay haweenkaas iyo sidoo kale hanaanka garsoor ee la mariyey oo waxay ku tilmaameen mid aan caddaalad ahayn.