Maxaa Ka Jira In Xukuumada Somaliland hakad galisay Saldhigii Milatari Ee Imaraadka,

0

 

Saaka Xili Hore Ayaa Shaqadii Laga Joojiyay Shaqaalihii Ka Hawlgalayay Dhisida saldhigii Milatari ee Aay Dawlada Imaraadka ka dhisanaysay berbera,

Warar Xog Ogaala Ayaa Sheegaya In Xukuumada Somaliland hakad galisay Shaqadii ka Socotay Dhismaha saldhiga Milatary Ee Imaaraaadka carabtu ka Dhisanayay Berbera iyo Dibu Dhiskii Ku Socday garoonka Diyaaradha ee Berbera,

Wararka Ayaa Intaa Ku daraya In Abaaro 7dii Subaxnimo Aay tageen Garoonka Diyaaradaha Berbera iyo halka uu ka Socdo Saldhiga Milatariba Xubno ka mida masuuliyiinta gobolka saaxil Kadib Amar Kusooo Rogeen In Shaqada la Joojiyo Ilaa Amar danbe,,

Sidaynu La Socono Heshiiska Aay wada galeen Xukuumadii Hore ee Somaliland ee uu Hogaaminaya Axmed Siilaanyo iyo Dawlada Imaaradku

wuxuu Ahaa Mid lakala danaysanyo oo Somaliland Wixii Aay u baahnayad Loo qabanayo, Waxaana Muhiimada Kowaad ahayd in Somaliland Loo Dhiso wadada isku xidha Berbera iyo Wajaale, Dabcana waxaa heshiiska Ku Jiray In Aay Dhisaan garoon Diyaaradeed oo rayid Ah, Labadaa Qodab Ayaa Ugu waawaynaa , Shuruuduna Waxay Ahayd markay Labdaa u Dhisaan Somaliland in Aay Dhisan karaan saldhig Miltari,,

si tanaasulaad badan aay ugu hesho xukuumada Somaliland,

Madaxwaynaha Cusub Ee Somailand Muuse Biixi Ayaa Sida La Sheegay ka Gowsadeegay Xiligii Xukuumadii Axmed Siilaanyo Hirgalinayasay Heshiiska Saldhiga Milatari Ee Imaraadku ka samaysanayo Berbera,

waxaana laga yaabaa in xiligan in dawlada imaraadka carabta aay ku adkaato fulinta heshiiska qodabadii ugu muiimsanaa ee aay la galeen Somaliland,

Arinkan saldhiga Milatari oo Guud ahaanba Buuq badan ka dhaliyay Somaliland xiligii la ansaxaniyay Ayaa waxaa suura gala in Xukuumada Cusub ee Somaliland aay laasho gabi Ahaanba maadaama Imaraadku ka cago Jiidayo in uu Fuliyo Wixii Lakala saxeexday,