Daawo/Akhriso:-Mashruucii Biyo Balaadhinta Magaalada Berbera Oo Dhaafi Waayey Qorshe Warqad Ku Qoran

0

Mashruuca Biyo Balaadhinta Berbera Aya u Muuqda Mid Madhalaysa Oo Sanad walba Labo Xili Oo Kamida Loogaga hadlo Shir Aay Hogaaaminayaso Wasaarada Biyaha Somaliland,

September 16 2014 Ayaay Ahayd Markii Wasiirkii wasaarada Biyaha Ee waqtigaasi Xuseen Axmed Cabdala Shaaca Ka qaaday In Milyan iyo Labo Boqol Oo Kun Oo Doolar Aay Ugu talo galeen Biyo balaadhinta Magaalada Berbera, Lacagtaasi Oo Uu Sheegay In Wasaaradiisu ka Heshay Sanduuqa Horumarinta Somaliland Ee SDF,

Sanduuqaasi Oo Wadamada Reer Yurub  Qaar kamid Ahi Ku Ridaan Wixii Mucaawimo Aay Siinayaan Somaliland.

Nasiib Daro Maanta Magaalada Berbera Waxaay Ku Jirtaa Waqtigii Aay Ugu Xumayd Biyo La,aantu Iyadoo Waliba Lagu Jiro Xiligii Qaboobaha Oo Aan Sidoo kalena Aanay Jirin Xoolihii Tirada

Badnaa ee Ka Dhoofi Jiray Magaalada Berbera,

Magalada Berbera Waqtigan Way Fiday Waxaana ka Socda Dhismayaal faro badan Sida Hoteelada La Seexdo , Sidoo Kalena Waxaa Kordhay Tirada Dadkii Ku Noolaa , Mana Jirto Maanta Maalin Aay Berberi Uga Baahi Badan tahay In Biyo Kordhin Loo Sameeyo,

Magaalada In Ka yar 40% Ayaa Biyaha Hella, Bulshada Inta Kale Booyado Ayaa U Dhaamiya,

Hadaba Sarkaal sare Oo Ka Tirsan wasaarada Biyaha Lana Shaqeeya sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF   oo Magaciisu Yahay Maxamaed faarax Kaarlos Ayaa Sanadwalba Ugu yaraan Labo Jeer Ku Qabta Kulamo Balaaadhan Oo Lagag Doodayo Qorshaha La Baxay Master Baland,ka Biyo balaadhinta Berbera , Kaas Oo Uu Luuqad Isku Mida Kaga Hadlo, Waxaanan Idiin Soo Gudbin Doonaa 6 Lix Jeer Oo Uu Afartii sano Ee Lasoo Dhaafay Uu Kaga Hadlaayo Biyo Balaadhinta Berbera oo Uu Luuqad isku Mida Kaga Hadlaayo Qorshaha Master Baland,ka Biyo Balaadhinta Berbera,

SarkaalkanMaxamed farx Kaarlos  Ayaa dabcan In Badan ka Dhawaajiyay in Aay Hirgaliyeen Todaba Ceel  Oo Cusub Oo Biyaha Berbera Lagusoo daray waxaase Iswaydiin Leh Biyahaasi xagay mareen

 

HOOS KA DAAWO