Dawlada Sucuudiga Oo Amar Dul Dhigtay Geella La Qurxiyo Ee Ka Qayb Gala Tartanada Kala Duwan

0

12 neef oo geel ah ayaa laga mamnuucay in ay qayb ka noqdaan tartanka quruxda geela Sacuudiga ka dib markii mulkiilayaasha ay isku dayeen in ay sii qurxiyaan muuqaalka iyaga oo isticmaalaya daawooyiin jidhka lagu qurxiyo.

Kumannan Geel ah ayaa la soo dhoobay xafladda tartanka quruxda geela ee King Abdulaziz Camel Festival.

Waxyaabaha ay garsoorayasha eegayaan ayaa waxaa ka mid ah quruxda faruuraha iyo kuruska geela.

Balse garsoorayasha ayaa arrintan hakiyay ka dib markii ay ogaadeen in qaar ka mid ah mulkiilayaasha ay khiyaano sameeyeen si ay ugu guulaystaan lacagta abaalmarinta.

Dabaal dagga tartanka ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ah

,tartanka oradka Geela iyo dhadhanka caanaha geela.

Cida ku guulaysta tartankan Geela ayaa waxa la siinayaa abaalmarin lacageed oo dhan 57 milyan oo doolar.

Ali Al Mazrouei, ayaa sheegay in daawooyiinkan la isku qurxiyo loo isticmaalay in geela laga mariyo faruuraha ,Sanka iyo daanka’waxaa sidaasi ku waramay barta internet-ka ee The National

Xukuumadda Sacuudiga ayaa u aragta tartanka in uu yahay mid muhim ah islamarkana madaxa garsoorayaasha tartankan Fawzan al-Madi ayaa sheegay in geella ay u arkaan “Astaanta Sacuudi Carabiya “.

Markii ugu horreysay ee la qabtay tartanka quruxda Geela ayaa ahayd sanaddii 2000, waxaana imika lagu qabanayaa goob ku taalla waqooyiga caasimada Riyadh.

 

Source:-BBCsomali