Madaxweynaha Somaliland Oo Go’aan Ka Gaadhay La Taliyeyaasha Uu Yeelanayo Iyo Kuwa Wasiiradu Magacaabaan

0

Madaxweynaha somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa go’aan ku gaadhay in meesha laga saaro la taliyeyaashii ay yeelan jireen madaxweynaha iyo wasiirada xukuumadu.

Madaxweyne ku xigeenka somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo ka hadlayey shir u soo xidhmay wasaarada beeraha somaliland ayaa sheegay in meesha laga saarayo la taliyeyaasha madaxweynaha iyo  wasiirada marka laga reebo inta loo baahan yahay ee wax soo kordhinaysa.

Madaxweyne ku xigeen Saylici oo ka hadlaya la taliyeyaasha ayaa waxa uu yidhi “Wax la taliyeyaal la yidhaa ayaa dalka ka abuurmay, la taliyeyaasha la sheego ee wasaaradaha iyo madaxtooyada marka laysku wada geeyo waxay iska noqdeen wax qof

lagu naas nuujinayo oo yoom loogu abuuro.”

Madaxweyne ku xigeenka ayaa soo bandhigay waxyaabaha la taliyeyaasha looga baahan yahay waxaanu yidhi “Laakiin la taliyihii rasmiga ahaa waa inuu noqdaa qof wax taraya,  ninka la taliyaha u ah wasiirka ama madaxweynuhu waa inuu noqdaa mid wax ku kordhinaya  laakiin waxa dhaqan inaga noqotay in wasiirku iska qorto laba ama sadex la taliye oo ilmaadeeradii ah kuwaas oo uu ku naas nuujinayo kaas oo u qoraya todoba milyan ama toban milyan, lacagna way inaga baxdaa qiime ay soo kordhinayso oo wasaarada iyo madaxtooyada ay ku soo kordhinaysaana ma jiro.”

Madaxweyne ku xigeenka somaliland ayaa sidoo kale ka hadlay isbadalka xukuumada cusubi wado waxaanu yidhi “Isbadalku xanaftiisa, dhibaatadiisa iyo caqabadiisa ayuu leeyahay laakiin waxaan diyaar u nahay in arintu isbedesho oo la taliye uu noqdo mid wax ku soo kordhiya hay’adda uu joogo sida ay aduunyadu u taqaano, madaxweynuhuna  waxa uu qaatay go’aanka ah in la gaadho heer la taliyeyaashu ay noqdaan qaar u fikira dalka, hogaamiyeyaasha ama siyaasiyiintu waxay mashquul ku yihiin inta badan  shaqo maalmeedkooda.”