Xiligan Waxaa Wali xayiran sayladii Ugu Wanbayd Ee Xoolaha Loo Iibgaynjiray, Waa dalka sacuudiga,
Waxaase Suuqyo Aan Isku halayn Lahayni ka Furan Yihiin Wadanka Cumaan iyo Wadanka Aay Somaliland Xaga Bada jaarka ka Yihiin Ee Yemen Oo Dagaal Sokeeye Aafeeyay,
Hadaba Dekada Berbera Ayaa Ganacsatada Xoolaha Dhoofisaa ka Cabanayaan, Waxaana Caawa  Oo Illaa Afar Doonyood oo Yar yar oo  Qaadina Lahaa Xoolo Isugu Jira LO iyo Adhi Cadibaad Ku Keentay Wiish,La,aan Sababtay In Lo,dii Wali  Dhex Tuban tahay Barxada Dekada Iyadoo Fiidkii Hore Lasoo daayay,
Waxaana Qaar Kamida ganacsatada Oo Caawa Lasoo Xidhiidhay Shabakada HWN U Sheegeen In Wiish Kaliya Oo hada Shaqada Dekada wadaa  Uu ka Shaqaynayo Markabka U Raran hay,ada WFP Taasina Xanibaad Ku Noqotay LO,dii La Rarari Lahaa,
Mid Kamida ganacstadan Xoolaha Dhoofisa Ayaa  Ku  Tawaawucay In Aay Nasiib Daro tahay In Dekadii Berbera oo Habeenada qaarkood Laga Rari Jiray  Sadex Boqol Oo
Kun Oo Neef Oo Adhi Ah iyo Lo Lagu Qiyaasay Toban Kun Oo Dibi In Caawa 2300 oo Dibi Loo Laayahay Wax Ra,rana Waa
Waxaanu Yidhi  Wax Badso wax Beel Ayaay Leedahay,
Gancsadahan Oo Magaciisa Ka Gabsaday Ayaa Sheegay In Aay U dacwoodeen Madaxda Dp World ee Dekada Berbera