Shirkada Diyaaradaha Ee American Airlines Oo Labo Ciyaartooy Ku Eedaysay In Aay Ka Xadeen Bustayaal Qaaliya,

0

Shirkadda diyaaradaha ee American Airlines ayaa raaligelisay laba ciyaaryahan oo si qasab ah looga dejiyay diyaarad ka dib markii si khalad ah loogu eedeeyay xatooyo.

Marquis Teague iyo Trahson Burrell ayaa raacay diyaarad si ay uga qeyb galaan ciyaar.

Laakiin, ka hor inta aysan diyaaradda kicin, mid ka mid ah shaqaalihii diyaaradda ayaa sheegtay in ragga ay bustayaal ka xadeen qeybta qaaliga ah ee diyaaradda, xoog ayaana looga dejiyay.

Balse markii dambe waxaa soo baxday in rakaab saarnaa qeybta hore ee qaaliga ah, ay bustayaasha siiyeen raggaasi caanka ah.