Maareeyaha Hay,ada Duulista Somaliland Oo Markii Kowaad Ka Hadlay Maamulka hawada Ee dawlada Xamar Afduubatay

0

Maareeyaha hay’adda duulista iyo madaarrada Somaliland, Cabdi Maxamed Rodol oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in Heshisyadii horey ee lagu saxiixay Turkiga ay dhigayeen in labada magaalo ee Muqdisho iyo hargeysa la geeyo qalabka maamulka hawada.

“Waxaa jiro heshiisyo hore oo la galay… waxaa qeyb ka ahaa in hawada aan wada maamulanno, qalab la geeyo Muqdisho, qalab kalena la keeno hargeysa oo la dhameystiro Desembar”.

Wuxuu sheegay in warkan ay ka maqleen telefishinnada, balse ay ahayd in wadatashi la geliyo ka hor inta aanan lagu dhawaaqin.

“Waxaa nasiib darro ah, Soomaaliya ayadoon wada tashi iyo heshiis galin, in ay keligood ku dhawaaqeen in ay hawadii oo dhan la wareegeen. Taasina waa in marnaba aysan Somaliland ka raali noqoneyn in hawadeeda meel kale laga maamulo”.