Magaalo Baraf Qariyay Oo qaylo Dhaan Kasoo Yeedhay

0

Magaalo Ku Taala Dalka Maraykanka Oo Uu Barafku Faro Baas Ku Hayo Iyo Laanta Cimilada Oo Ka Digtay Halista Ka Iman Karta.

Laanta cimillada iyo saadaasha hawada Maraykanka ayaa ka digtay halista sii kordhaysa ee ka dhalanaysa baraf duugay magaalada Erie ee gobolka Pennsylvania.

Barafkan ayaa ka dhashay dabeylo xooggan oo ka dhacay halkaas, waxaana la sheegay in barafka uu dhumuc ahaan dhanyahay 86cm.

Booliiska ayaa dadka gaadiidka wata uga digay in waddooyinka magaaladaas ay halistooda badantahay, iyada oo qaarkoobda la xiray gabi ahaan.

Baraf dheeraad ah ayaa laga yaabaa in uu magaalada ku da’o sida ay laanta hawada saadaalisay.

Magaalada ayaa ku taala jiinka harada weyn ee lagu magacaabo Erie.

Waa markii ugu horeysay oo

baraf intan la’eg uu hal maalin da’o, markii ugu dambeeyaysay oo tan oo kale ah dhacday waxa ay ahayd sanadkii 1956-dii.

Guryo iyo gaadiid ayuu gabi ahaanba duugay barafka, iyada oo dadkii degenaa ay barafka iska qodeen si ay waddo u banaystaan.

 

Duulimaadyadii magaalada tagi jiray ayaa sidoo kale gabi ahaanba la hakiyay.

 

 

 

Source:-BBCsomali