Heshiiskii Caynabo Aniga iyo saxiibkay Siilaanyo Ayaa wada Saxeexay, Laakiin Waxaa Loo baahan yahay,Prof Cali Khaliif Galayd

0

Siyaasi Cali Khaliif Galaydh ayaa ka hadlay muhiimada ay somaliland u leedahay hir gelinta heshiiskii dhex maray Khaatumo.

Siyaasi Cali Khaliif oo ka hadlayey munaasibad lagu soo bandhigay buug oo ka dhacday Hargeysa ayaa sheegay in dadweynaha gobolada barigu ay sugayaan hir gelinta heshiiskii ka dhacay magaalada Caynabo.

Ugu horayn Siyaasi Cali Khaliif oo ka hadlaya arimaha ugu waa weyn ee heshiiskaasi keenay ayaa waxa uu yidhi “Arinta ugu weyn ee la qabtay waa nabada, waxaana laga yaabaa inaanay dadku sidaas u wada dhaadin laakiin aagaga sool, sanaag iyo Cayn wax weyn ayey nabadaasi ugu fadhidaa, waxaanan u malaynayaa haddii halkaas nabadi ka

jirto in wax ay u tarto mooyaane aanay waxba ka dhimayn somaliland.”

Siyaasi Cali Khaliif oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in heshiiskaasi u baahan yahay fulin waxaanu yidhi “Waxaan hoosta ka xariiqayaa in aniga iyo sxbkay Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo aanu wada saxeexnay heshiiska Caynabo waana muran ma doon laakiin heshiiskaasi waxa uu u baahan yahay in la fuliyo, madaxweynaha cusub iyo Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal Cali Waraabe intii aanay doorashadu dhicin ayaanu Caynaba isku aragnay, waxaana naga dhaxeeyey balan ah in kii soo baxaaba uu u dagaal gali doono fulinta  heshiiskaas”

Sidoo kale waxa uu sheegay in hir gelinta heshiiskani uu muhiim u yahay somaliland “Aniguna waxaan qabaa in hawshaasi muhiim u tahay somaliland, anagu taayada qiraal ayaanu la nahay laakiin meeshan taariikh hore ayaa taala  oo waxa iman jiray kooxo ka socda aagagayaga, doorkoodii way ciyaareen laakiin 26 sano ka bacdi halkii aynu rabnay maynaan gaadhin, heshiiskaas Khaatumo iyo somaliland waa mid meeshaas inaga gaadhsiin doona.”

Ugu dambayn siyaasi Cali Khaliif ayaa ka hadlay dareenka ay dadka deegaankiisu ka qabaan heshiiiskan waxaanu yidhi “Tirada ugu badan ee ku nool Sool, Sanaag Iyo Cayn aad ayey u dhawrayaan inay hawshani isku dubo dhacdo oo dadku ay salka dhulka dhigaan, dhulkan aynu ku nool nahay lagama gaadhin meeshii aynu jeclayn inay dadkeenu gaadhaan horu mar ahaan, bulsho ahaan iyo dhaqaale ahaanba.”