Sarkaal Sare Oo Ka Tirsan Shirkada Shidaal Baadhista Ee Genel Energy Ayaa La Filayaa In UU Noqdo Wasiirka Macdanta iyo Khayraadka Dabiicig Ah,

0

Wargeyska Nettavisen ee ka soo baxa dalka Norway, ayaa baahiyay nin la filayo inuu Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi u magacaabo wasiirka macdanta iyo khayraadka dabiiciga.

Wargeysku, isagoo soo xiganaya xoggo muhiim ah oo uu helay wuxuu sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, la filayo inuu wasiirka macdanta iyo khayraadka dabiiciga ah u magacaabo Ibraahim Maxamed Xasan oo ah 66 jir reer Somaliland ah oo haysta dhalashada dalka Norway. Wargeysku waxa uu sheegay in Ibraahim oo ay tartanka wasiirnimadan ku wada jiraan nin kale ay u dhowdahay inuu isagu noqdo wasiirkaas.

Ibraahim, ayuu wargeysku sheegay inuu hadda u shaqeeyo shirkadda Genel Energy ee hawlaha shidaal

baadhista ka wadda Somaliland, waxaanu hore u bartay cilmiga injineernimada shidaalka iyo khayraadka isagoo ka soo shaqeeyay shirkadaha Asante iyo Saga Petrolium ee dalka Norway.

Mr. Ibraahim, oo uu wargeysku sheegay inuu ka mid ahaa Soomaalidii dalka Norway gashay sanadihii toddobaatanaadkii, ayaa waxa uu ahaa sannadihii u dambeeyay wakiilka Genel Energy ee Somaliland, waxaanu  caan ka ahaa hawlihii shidaal baadhiseed ee ay shirkadda Genel Energy ka waday Somaliland, waxaanu dhawr goor ka soo dhex muuqday warbaahinta Somaliland isagoo qayb ka ah hawlgalo iyo wada hadalo ay yeesheen shirkadda Genel Energy iyo wasiirka macdanta iyo tamarta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale.

 

Geeska.