Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Oo Xukuumadda, Maayarka Iyo Golaha Deegaanka Ugu Baaqay Inay Si Degdeg Ah Wax Uga Qabtaan Sababta Keentay Hilib La’aanta Hargeysa.

0

Hargeysa-(BGN)- Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland, ahna Guddoomiayaha xisbiga mucaaridka ah ee WADANI, Cabdiraxmaan Ciro, ayaa ka hadlay hilib la’aan baahsan oo labadii maalmood ee u danbeeyay soo food saartay caasimada Somaliland, ee Hargeysa, iyo sababta keentay, iyo cida iska leh ee u xil saaran xallinta arrintan, waxaanu Guddoomiyuhu sidaa ku sheegay mar uu maanta magaalada Hargeysa ugu waramayay qaarka mid ah warbaahinta maxaliga ah, waxaanu hadalkiisii ku bilaabay oo uu yidhi.

”Waxa la leeyahay qiimihii adeega ee laga qaadi jiray hiliblayaasha ayaa mar kaliya 100%, la libin laabay, adduunkana wax caadi ah maaha qiime mar kaliya 100%, laga dhigo, xilka ugu weyn


ee wax ka qabashadeeduna waxa uu saaran yahay xukuumadda Somaliland, waxaanu si gaar ah u sii saaran yahay Maayarka magaalada iyo golaha deegaanka Hargeysa, waxaanu soo jeedimayaynaa in arrintaa si degdeg ah oo degdeg ah wax looga qabto, waayo arrintani waxay taabanaysaa qoys kasta, guri kasta, qof kasta, Hudheel kasta iyo dhamaan shacbi weynaha degan magaalada Hargeysa,”

Guddoomiye Cabdiraxmaan Ciro, oo arrintan ka sii hadlaya waxa kale oo yidhi,

”Dadka iyo hiliblayaashu ma qaadi karaan, adduunkana marka wax la kordhinayo wax yar baa la kordhiyaa, waana laga doodaa oo waxa la yidhaahdaa dadku ma qaadi karaan, ma boqolkiiba hal ama laba ayaa lagu daraa, laakiin boqolkiiba boqol, wax la dadku qaadi karaan maaha, waxaanu leenahay arrintaa degdeg ha looga noqdo, ha la qiyaaso, halaga doodo, golaha deegaankuna degdeg ha uga fadhiistaan arrintaa.”, ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiraxmaan Ciro