Wareejinta haamaha Shidalku Halisbay ku tahay Amaanka iyo wada Noolaansha Umada SomalilanAbdirisaq Mohumed Hasand

0

Sidaynu ognahay taariikhda aduunka wixii dagaal iyo carqalad siyaasadeed kasoo dhacay iyo kuwa hadda ka socdaaba waxay salka ku hayaan arimaha shidaalka waayo casrigan danbe shidaalku waxuu nolasha guud haan aduunka u noqday sida dhiigu uu jidhka aadamaha ugu yahay lagamamaarmaan oo kale sidaadarteed waxa ku xidhan dawladnimada wadankasta hadday noqoto ganacsiga iyo milatariguba maadaama uu shidaalku noqday arnin qaran waxa iyadauna noqonaysa in la ilaaliyo sugnaashiyaha iyo amaankoodaba isha laga helo iyo wadada uu inoo soomaraba waayo labaduba waxay ku yeelan karaan  saamayn togan ama taban sidaadarteed shidaalka waxa aynu odhan karnaa waa amaanka iyo qaranimada dawladkasta.

Qormadan kooban kuma sharixi karono

muhiimadiisa iyo amaan darada uu inagu sababi karo hadii ay gasho carqaladi sidaaso ay tahy ayaa dawlada soomaliland hada katalisaa doonaysaa inay ka dhigto waxa ay maamusho gacan gaarahi inkastoo dawladani ay marayso sunaha dawladkasta oo ah dimuqraadiya ay marto lakiin iyadu way ka xag jirtaa oo mudo shan sano ah gudaheed waxay gacna gaar ah ku wareejisa waxyaabo fara badan oo muhiim u ahaa wada noolaashaha umada Somaliland oo dhan

Hadaynu is dultaagno haamaha shidaalka Somaliland oo shaqadeedu tahay inay  ilaaliso tayada iyo uqaybinta dhamaan dadka Somaliland ee isticmaala shidaalku u helaan si siman oo laga dhawro in loo kala badsado sida lookala awood badanyahay lagu wareejiyo gacan gaara waxay noqonaysaa in gacantaa gaarka ah lagu wareejiyay awoodii iyo dawladnimadii soomaliland oo halisbay ku tahay amaanka iyo wada noolaansha umada somaliland.

Haddaba aniga waxay ila tahay hadii wareejinta haamuhu sidaa ku hirgasho inuu amaankii iyo nolashii dadka Somaliland ku dhacday gacan aan laysku halaynkarin ama xaalad khatara oo ay qumantahay in laga hortago waayo waa isku dulnoolaasho cad oo sababi kara .

 

Abdirisaq Mohumed Hasan

Gabilay,Somaliland

Cabdirisaqmx@gmail.com