Marwada Madaxweynaha Somaliland Oo Farriin U Dirtay Saxaafadda “Barnaamijkan Aan Wadno Ee CARMMA Eeddo Igala Shaqeeya”

0

Hargaysa(BGN):-Marwadda Madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirdde (Aamina-weris), ayaa warbaahinta Somaliland ugu baaqaday inay ka shaqeeyaan isku waxyaabaha horumarka gaadhsiinaya Ummadda iyo shacbiga.

“Saxaafadda eray ayaan odhanayaa baryahan abaar ayaynu ka cabanaynay marka Hargaysa roob culus baa helay. Telefeeshinka ayaan daawaday wararka hore waxa ku qornayd magaaladii Hargaysa oo qashin qariyay oo cid ka fiiqda wayday, may odhan abaartii baa Alle inaga jabiyay, subixii markaan Wargaysyada arkayna laba kamida Jaraa’idka ciwaankoodu waxa uu ahaa dariiqyadii caasimadda Hargaysa oo buuro qashin ahi tuuranyihiin tolow dawladii Hoose Meeday ?.” ayay tidhi Marwo Aamina-weris

Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde, waxay intaasi ku dartay

“Markaa dharkeena wasakhda ah intaynu dabada ku wadhayno ileen waa dalkeeniiye waxa fiican aynu soo horaysiino oo aynu sheegno wixii wanaagsan, imika barnaamijkan aan wadno ee kaarma eedo igala shaqeeya ”ayay tidhi Marwada Madaxwaynaha Somaliland Marwo Amina Weris. Wakiilka ololaha CARMMA ee Jamhuuriyada Somaliland Marwada koowaad ee Jamhuuriyada Somaliland ayaa UNFPA u xilsaartay wakiilnimada ololaha CARMMA. Ololahan waxa gadhwadeen ama wakiilo ka noqday haweenka door ka mudan kagana jira bulshooyinkooda sida marwooyinka koowaad ama haweenka wasiirada ah.

 

Marwada ayaa doorka ay ku leedahay oloalahani yahay mid dhiirigelinaaya dhinaca siyaasada xukuumada ee arrimaha hooyada iyo dhalaanka, dhinaca xeerka iyo xuquuqda hooyada iyo dhalaanka, iyo gebi ahaanba tayeynta iyo daryeelka arrimaha haweenka iyo caruurta.