Dulmi Diide Isagu Donaya Inuu Wax Dulmo Waa Dawo Bukotay Maxa Lagu Dabiba.

0
Waxan marka hore salan halkan uga diraya dhaman warbahinta xorta ah ee jsl gaar ahan hawlwadenad mareegta xogreebnews,bacda salan hadan usoo noqdo dulucda hadalkayga waxa baryahan aad looga hadlayay sami qaybsiga beelaha jsl gaar ahan golayasha sharci dejinta runtii waa arin loo baahna in laga hadlo si cadaladana loo lafa guro oo cidkaste oo aay wax ka maqan yihiinba la siiyo xuquqdoda cidey dontaba ha ahate.

Anigu ka suldan ahaan iyo beesha muuse dheriyo ee aan suldanka u ahayba waxan tirsanaynaa in aanan ka helin samigi aay beeshan baladhani aay ku lahayd golayasha qaranka oo dhan haday noqonlahayd baarlaman,guurti ,iyo fulinba.
Waxan kamid aha salaadinti fadhiday shirweynihi


beelaha jsl ee 1997dii lagu qabtay guraga shaqalaha ee casimada hargeysa waxan soo xulay ergoyinkii beeshan uga qaybgalay shirweynahas beelaha jsl oo dhami isugu yimaden ergoyinka shirkas aanu uso xulnay waxay ahayen sadex xubnod oo hada sadexduba dhintay ahu magacyadoduna waxy kala ahayen.
1 cali maxamud axmed cali barud oo noqday xildhiban golaha guurtida ah aniga iyo cuqasha beeshuna aanu golaha u gudbinay wuxu kaso jeeday beesha muuse dheriyo
2 Rashid cabdi xusen ahn oo aan isagu golayasha soo galin balse ahaa ergoyinki kaso shaqeyay turxan bixintii beelaha isna wuxu kaso jeeday beesha muuse dheriyo.
3 Axmed cali bahal oo noqday xiligas xildhiban golaha wakilada isna wuxu kaso jeeday beesha tumalada.
Waxa isla xiligasba beesha muuse dheriyo lagu sameyay xaqdaro taas oo ahayd in labadi xubnod ee markii hore loo ogoladay in dib loogu so noqdo oo xubin laga qado iyado wakhtigas arintas qiil looga dhigay in beelihi diritu dhex martay ee beesha isaq qarkod lagu maslaxo cadalad darada beeshan lagu sameyay xiligas ayay bilabantay walina way taagan tahay waliba beeshani labada xubnod ayay salugsanaydba oo cadalad daro ku ahayd tiiba hadana lagaga daba yimid oo mid laga sii qaaday.
waxa cadalad badan oo cadalad sameyo ala weyne subxana wa tacala laakin ina aadan cadalad buuxda ma samayn karo wuxuse samayn kara wax cadalad u eeg.
walina waxan ugu baaqayna oo aan leenahay cidkaste oo aay khuseysaba waar cadlada ha la ilaliyo beeshan iyo cidkaste oo dulmana ha helan wixi xuquqa ee aay xaqa u leyihin dalka jiritankisa ayay dan u tahay horumar iyo barwaqo la gaadho ayay furi u noqonaysa aqonsiga la raadinayo aya ilahay uu fududaaynaya raxmada alle ayaa inagu so degaysa hadan taas intas uga gudbo waxa kale oo iyana wax layswaydiyo ah.
Ninka layidhah suldan daakir xagu joogay xiligas aan ka hadlayo gaboyahan uu leeyahay gaboyan suldan u ahay oo aan xuquq u raadinaya xagay joogan waxay ilatahay daakir waa nin madhibana sicid kula beeshisuna waxay degta oo aay xuquqdeeda ku leedahay waa puntland galmudug iyo dawlad gobeledki dhawan looga dhawaqay mudug oo aay laba xildhiban ka helen cadayntedina aan haayno iyado qorala sidi aay beelaha mudug u qaybsaden kurasta oo miidhiyaha loo soo bandhigay beeshisu waxay qaybteda ku qaadatay magaca beesha madhiban waxay diiden magacan gabooye oo aay yidhahden mudug iyo punland iyo galmudug midna lagama maqli karo.
Maxa mudugna dadka degen madhiban ka dhigay kuwa somaliland degena inta magaci muuse dheriyo la qariyo loo leyahay beesha gabooye.
Daakir waxan leenahay ader dulmiga aad adigu adigo kaligaya aad umad dhan ku samayayso ayaa dulmikaste ka weyne hadad cadalad doonayso dee orod oo dadkagi iyo degenadodi tag muuse dheriyana hada way ogyihin inaad adigu tahay dulmi wadaha kowad ee raba inuu iyaga dulmo.
Dawlada iyo madaxweynaha anaga ayaa ogol anaga taagersan anaga dib u doranayna madaxweyne axmed m m siilanyo iyo xisbiga kulmiye adigu codna uma haysid wax aad yeeli kartana ma jiro cida aay cod ka raban waa muuse dheriyo muuse dheriyana waa muxafid maha mucarid anagana matalna afkoda ku hadlayna meel kale oo loga sacab tumi kara majirte ader wadani iyo qolyahas been ha u shegina.
waxan kuso ururinaya hadalkayga dakirow waxad tahay dulmi didihi isagu dulmiga samaynayay wax sidas kugu hagagaya iyo cid aad qarnigan 21 aad khiyamayn karta ma jirte adeer danaha beeshada ku ekow puntland iyo galmudugna ku noqo oo meelahas ka olele tasa wajib kugu ahe lakin somaliland iyo muuse dheriyo dhexdoda isaga bax iyaga ilahay is badaye.
wa bilahi tawfiq waa
qalinkii suldanka guud ee beesha muuse dheriyo suldan maxamed suldan cabdi ismaciil