Tijaaradda Boobka Hantida Ummadda + Xeeladeysiga Shuraakada iyo Dilaalinta Madaxtooyadda, Wanka Macasha ii qabo, adigu Gawrac ii mari Dhiigana aan Muud-sado.

0

Hargeysa(BGN)-Kasakow hanashadda hoggaanka talada, Masuuliyiinta Xisbiga KULMIYE waxa arintaa u weheliyey olole iyo dedaalo kaloo ah kuwo dhaqaale raadis ah, kuwasoo ay gadh-wadeen ka yihiin shaqsiyaad ogoolaansho dadban ka haysta xubnaha hoggaanka dalka gacanta ku haya. Sidoo kale, kooxahaasi waxa caado uu ah inaanay Xukuumada taladda haysa wax xil ah ka qaban, balse hawlahoodu ay yihiin kuwo ku eg dhex-marista arrimaha gaarka uu ah. Inkastoo sida mararka qaar dhacda uu buuq iyo qalaalaase sababa uu ka dhasho hawlaha kooxahani hayaan, hadana intooda badan waxa lagu dhameeyaa gacan iyo is afgarad, halka mararka qaarna marka xaaladdu adkaato arrintu kelifto in dib looga noqdo go’aanada ku dhaca sida ka fiirsasho la’aanta ah, taasoo xilliyada qaar sababta inay isku dhacaan Xukuumada iyo shaqsiyaadkii ballaan qaadka lala galay. Waxa kaloo, intaa dheer in mararka qaarkood hirgelinta arrimahani ay sababan Khasaare aan ku talo gal lahayn oo iskugu jiraa dhimasho iyo dhaawac, waxaana arrintaasi keliftaa in labada dhinac hawsha heeshiiska ku ahaa mid waliba geestiisa uu candhuuftiisa dib-u-liqo. Hawlgalada dilaalista hantidda ummadda ee dhicisoobey, kuwa hirgalay iyo kuwa cid sheegata la waayey markii danbe, waxa ka mid ah, isku daygii Xukuumaddu rabtay inay ku wareejiso Mashruuca Wersheda Sibidhka ee Berbera, kaasoo markii geddood shacbi ka dhashay Xukuumaddu dib uga guratay, halka shaqsiyaadkii la siiyey, iyaguna sidoo kale, dib uga faagtay. Mashaaricda intii hawlahani socdeen Xukuumadu ku guuleysatay, waxa kow ka ah maamulka Wershada laydhka ee Berbera, oo taariikhda markii ugu horeysay Xukuumadu sifo sharciga baal-marsan ugu wareejisay Koox ganacsto ah, iyadoo aan si siman bulshada loogu baahin, geesta kale, kuwa cid sheegata la waayey khasaarihii ka dhashay awgeed, waxa ka mid ah hawlgalkii ka dhacay xarunta la’aanta Galbeedka ee Ciidanka nabadgelyada wadooyinka, kaasoo uu ku naf-waayey Wiil dhalinyaro ah oo uu dhalay Aabo Axmed-Jabaan, kana mid ah Mujaahidiintii SNM, kadib markii ay haleeshay rasaas ay rideen Ciidamada Boolisku. Falkaasoo khasaarihii ka dhashay uu sababay markii danbe in la waayo cidii hawshaa loo fulinayey, halka sidoo kale-na, masuuliyadiisa ay isku riix-riixeen hay’addihii ku shaqada lahaa. Haddaba, qormadan oo ah mid Wargeyska Yool ugu talo galay inuu bulshada ugu soo bandhigo wararka iyo xoggaha saxda ah ee ku saabsan heerarka iyo maraaxilkii ay soo mareen hawlaha la xidhiidha qorshaha wareejinta Dekedd iyo Haamaha Berbera. Arrimahaasoo marka la isku geeyo hantida iyo mashaariicda kale ee Xukuumadu taataabatay ah kuwa ugu saameynta badan ficil iyo Af intaba. Sidoo kale intaa qormadani socoto Wargeysku waxa uu sii Waadix ah u bayaamin doonaa shirkaddaha iyo shaqsiyaadkii lugta ku lahaa meel-marinta mashaariicda Dekedda iyo Haamaha. Bilawgii wadahadalada Inkastoo Xukuumada talada haysaa Siyaasiyan ay ahayd mid diidsan oo saaska qabtay gabi-ahaanba qabyo qoraalka iyo hawlihii Xukumadii ka horeysay ku wareejisay, kuwaasoo haday Indho fayow ku eegi lahayd uu noqon lahaa bar-bilow fiican hase-yeeshe asbaabaha iyo kuwo kale oo jira awgood taasi ma dhicin. Sida darteed Xukuumada KULMIYE ee Kubku siigaalaha ah waxa, ay sannaadihii uu horeeyey wakhtiga ku lumisay xilka qaadis iyo magacaabis, kuwaasoo iyaga laftigoodu u muuqday kuwo aan cilmi ku fadhiyin, balse ujeedada keliya ee laga lahaa ahayd ficiltan iyo shaqsi nacayb. Hase-ahaatee markii Taariikhdu ahayd April, 2013-kii ayaa noqday bilowga Cahdigii Indho furka iyo dilaalista Hantida Qaranka ee Xukuumada Kulmiye, kadib markii Looyar uu dhashay dalka Engiriiska oo lagu magacaabo Mr. Jason Daviel oo da’diisu tahay 44 jir kana socday shirkadda loo yaqaan MCCUE & Partners, taasoo ku gudo jirtay diyaarinta heeshiiskii Shirkadda Bollore Africa Logistics la geli lahayd Xukuumada Somaliland, iyadoo geesta kalena, shirkadda MCCUE & Partners ee hawsha heeshiiska Dekedda Berbera gacanta ku haysaa ku fasiishay hawlaha arrinka la xidhiidha kuwo qayb ka ah Mashruucii socday ee Berbera Corridor, Barnaamijkaas oo Mr. Jason Daviel ku qiimeeyey dhaqaalaha ku baxaaya 2.5 Bilyan. Dhanka kale, Mr. Jason Daviel waxa kulanka usoo dhigay qorshe cusub oo lagu aas-aasaayo Hay’ad cusub oo lagu magacaabo Berbera Development Company (BDC), taasoo ujeedada aasaas keeda laga lahaa inay daboosho baahida mandaqada, intaa kadib waxa hawlaha Mashruuca iska kaashanayey Masuuliyiinka kala socota Shirkadaha Berbera Development Company (BDC) iyo MCCUE & Partners, waxaanay iska dhex doorteen guddi ka kooban saddex xubnood oo laba ka mid ahii Soomaali yihiin Mr. Jhon Richerd Moore oo 45 Jir, dhallashadiisuna tahay Ingiriis, Ibraahin Cali Yuusuf 41 Jir Soomaali iyo Axmed Maxamed Abokor 48 Jir, oo isaguna haysta dhalashada dalka Canada, sidoo kale-na, Partnership ay MCG ku yihiin shirkadda lagu magacaabo (Afro), Africa Shnagai-Djibout. 17/10/2014, shirkadda Ballore waxa ay Magaalada London ku samaysay kulan ganacsi, kaasoo ay ugu talo gashay inuu u noqdo mid ay cadaadis ku saarto Madaxweyne Siilaanyo iyo Wasiirkiisa Khaarejiga Md. Maxamed Bixii Yoonis, sidii ay ugu dhiiran lahaayeen qorshaha ku saabsan in shirkadda Ballore lagu wareejiyo Dekedda Berbera. Lasoco…

 

Xigasho Wargeyska Yool.