Wasiir ka Tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Oo Ka Hadlay Maxjarka Berbera, fariinna u diray Dawladda Sucuudiga –

0

Berbera(BGN):- Labadii Maalmood ee u danbeeyay waxa soo baxayay wararka Sheegaya Ninka carbeed eek a ganacsada xoolaha Lana yidhaa al Yaasir oo Weerar cadaana Ku qaaday macjarada xoolahu ka dhoofaan ee Magaalada Berbera, Khaastan macjarkii u danbeeyay ee laga furo Berbera kaaas oo ay leeyihiin Midawga ganacsatada Xoolaha dhoofisa e Somaliland,

Waxaana warar rasmiya oo aanu ka Helnay sarkaal sare o ka tirsan wasaarada xanaanada Xoolaha e Berbera uu xaqiijiyay in Dhawaanta wasiir ku xigeenka wasaarada xanaanada Xoolaha Ee dawlada xamar uu warqad u qoray wasaarada Beeraha iyo Xoolaha e dalka sacuudi carabiya oo ah dalka xoolaha Ugu badan Loo dhoofiyo, warqadaana ay gacanta Ku hayaan ,warqadaasi ayaa uu

 Ku Sheegay in uu Khatar Ku jiro amniga mandaqada Geeska afrika


iyo ka sacuudiguba, waxaanu intaa ku daray in Khalkhal nabadgalyo xumo uu abuuray macjarkaas Cusubi,waxaanu ka Codsaday wasiir Ku xigeenka dawlada xamar e xanaanada Xooluhu dalka sacuudi carabiya in ay Joojiyaaan Ruqsadii ay hore u Siiyeen macjarka Cusub e Midawga ganacsatada Somalilan ee Dhawaanta Shaqadiisii Bilaaby labadii Markab ee u Horeeyay na laga raray,
Hadaba Sida  Ilo wareedyo Xog Ogaal ahi Sheegayaan Waxa Arinkan dabada ka Riixayay ganacsadha carbeed ee Alyaasir  oo la Sheegay xataa In uu dawlada xamar usoo bandhigay qorshe ah in dhamaan xoolaha Soomaalida  loosoo gacan galiyo calaa madax ma Neef na uu siiyo sadex Doolar, taas oo macnaheedu yahay in la Xidho dhamaan macjarada Xoolaha lagu dhakhtariyo iyo dekadaha ay ka Dhoofaan,ba,Waxaan  taariikhda Ku cad Ninkan carbeed ee la yidhaa Al Yaaasir waa Ninkii shanta sano ay u Xidhnaayeen Dhoofka Xooluhu  Isagoo ka rarai Jiray dekada jabuuti, Waa Ninkii ay Kusoo baxday kalmada Kooto, Xiligaasi oo uu Albaabada u xidhay xoolihii ka dhoofi Jiray

 

 Berbera, Boosaaaso IWM waxaanu Macjaro ka Furtay magaalada jabuuti,

Aan dib Idiin xasuusiyo e xiligii aljaabiri Ku guulaystay in uu Macjar ka samaysto Berbera xayiraadiina kazoo qaado xoolihii soomaalida ee dacaayada lagu xayiray  waxa uu alyaasir Isna macjaro ka Furtay Berbera iyo Boosaaso, Sidoo kalena waxa uu Macjaro ka Furytay xamar iyo Jigjiga isagoo Intaaba daba socday in uu Mar uun jaans danbe u Helo siduu uu kooto Danbe u heli ;lahaa magaalada jabuutina uu Xoolaha Uga rari lahaa

Siyaasda uu ku Shaqaynayaana waxay tahay in uu xayiro dhoofka xoolaha guud ahaanba mandaqada soomaalidu degto,

 

Waxaany wararka xog,ogaal ahi sheegayaan in ganacsadaha aljaabiri uu kadaba qaatay warbixintaa qaldan ee uu al yaasir ka Bixiyay macjarada Berbera isagoo qaarkood Gacan saar La Leh ,waanu ku Beeniyay Siday wararku sheegayaan, Isagoo sacuudiga u xaqiijiyay in Somaliland ay tahay mandaqad nabada oo ganacsigeedu xor yahay wax amaan daro ahina aanay ka jirin,Xiligana Xoolo ku dhaw labo Milyan oo neef ay Kusaganyihiin Xeryaha iyo macjarada Berbera Ku yaala,

Wasaarada Beeraha iyo Xoolaha ee dalka sacuudi carabiya ayaana la xaqiijyay in ay qaadatay qawlka Aljaabiri sidaana ku diiday Warqadii wasiir ku Xigeenka xanaanada Xoolaha e xamar u Qoray ,