Madhabaa In Dad Badan Oo Itoobiyaan Ahi U Haysteen Markii Daragigu Qabsadey In Boqor Hayle Salaase Wali Joogo

0
Hargeysa(BGN)-Magaciisa dhabta ah waxa la odhan jirey Raas Tafarri Mokonon, haseyeeshee, waxa si caan ah loogu yaqaaney Dunida Caalamka iyo dalalka Afrikaanka intooda badan Boqor Hayle Salaase, waxaanu magacan si rasmi ah u qaatey kadib markii uu si khiyaano ah ku dhaxley Boqortooyadii ka horeysay oo uu ka xoogey cidii dhaxalka laheyd,Sanadkii 1928kii ayuu qabsadey dalka Itoobiya isagoo ka dhaxley Boqornimada Boqorkii Ka horeeyay Boqor Mililik kii labaad,waxaanu talada dalkaasi Boqornimada ku haystey mudo ku dhow shan iyo afartan sanadood xiliyadaas oo uu la baxay magacyo badan oo ay kamid ahaayeen (Boqorkii boqorrada),( Libaaxa guusha ee Yuhuudda)( Kii Ilaah doortay),( Kii difaacayey iimaanka),Iftiinka Dunida iyo magacyo Kale.
Waxaana qaaciido ahaan Xukunkiisa ku lamaanaa laba qodob oo uu had iyo

jeer Maamulkiisa iyo Dastuurka Wadanka saldhig ugadhigay kuwaas oo kala ahaa in uu ka shidaal qaato Kaniisada iyo in dastuurka dalka uu ku laqimo in Wadanku wada Kiristaan yahay,waxaana had iyo jeer caado u aheyd nidaam Gumeysi oo ku dhisan(Socialis)iyo khuraafaad uu ku hantiyay Maskaxda dadka kiristaanka ah Saraakiisha Miltari iyo guud ahaanba Shacbiweynaha Itoobiya, waxaana falsafadihiisii kamid ahaa nidaamka dhul balaadhsiga Itoobiya, oo horaantii ku qabsadey Eletariya oo gooni ka aheyd Dalka Itoobiya, isagoo Soomaaliyana gudaha usoo galay dhamaanba dhulkii ingiriisku ku sheegay (Reserve area).

Taffari Bar waxaa loo yaqaanaa Degmada Aw Barre ee kililka shanaad dad badan ayaa Sheega in sababta magacaas loogu bixiyay tahey in Aw Barre aheyd halkii uu ka baxey Markii Talyaanigu xoog ku qabsdey Dalka Itoobiya iyadoo dadka Itoobiyaanka ah ee xiligiisii soo gaadhay u yaqaanaan Albaabkii Tafarre, Meel kale oo dlka kamid ahna islamarkaana, aan ka fogeyn Adissababa waxa layidaa Asfa Tafarre waxaanay la macno tahay Riyadii Taffare sidaas ayuu Magaalooyinka qaar magaciisa ugu bixin jirey, Boqor Haylle Salaase waxa uu kor usoo qaadey Qowmiyada Axmaarada xiligii xukunkiisa waxaanu kor uga soo qaadey dhinacyada dhaqaalha iyo Waxbarashada,isagoo gacanta u galiyay Ciidamada,iyo Maamulka iyo guud ahaanba Golaha Xukuumadiisa,waxaanu aad u xaqirey Qowmiyada Oromada oo kamid aheyd Qowmiyadaha ugu tirada badan dalkaasi inta badana islaamka ah isagoo u bixiyay waagaas Magaca Gaalle oo waxaanay taasi kaliftey in Gobolada Wallage iyo Shawa dad badan oo kasoo jeeda Qowmiyada Oromadu markii ay lafahooda iyo hantidooda iyo xoolahooda u baqeen ay ku amxaaroobeen kuna qaateen dhaqanka iyo diinta Kiristaanka.
Nidaamka Boqor Hayle Salaase, waxa uu Xukunkiisa ku adkeeyay waxa uu soo magacaabi jirey dhamaanba xilalka dalka ilaa heer Baarlamaan,isagoo ahaa Gudoomiyaha Maxkamada Sare mudo badan.
Arimaha ugu xiisaha badnaa ee dalkaasi ka dhacay mudadii uu Boqor Hayle Salaase xukumayay, waxa kamid ahaa in Gobolka Wallo oo abaar ba,ani ka dhcdey sanadkii 1972kii ilaa sanadkii 1973kii ay dafireen Boqor Hayle Salaase iyo Wasiiradiisii, taas oo idaacada BBC du aad u baahisey abaarta halkaasi ka dhacdey islamarkaana, sawiro laga qaadey Boqor Hayle Salaase oo  Dugaagii Qasriga kunoola Xarunta Boqortooyada dabadeeda ugu qeybinaya Hilib, waxaana Gobolkaas abaartu saameysay  ku dhintey, Dad iyo xoolo aad u badan.
Sanadkii 1971kii ayay ku beegneyd markii mudaharaadadii ugu horeeyay ee lagaga soo horjeesto Xukunkiisa ay ku dhaqaaqeen Ardeydii Jaamacadaha ee Xarunta Adissababa haseyeeshee, sanadkii 1974kii bishii sagaalaad laba iyo tobankeedii ayey Ciidamadii Dergigu af gambiyeen Boqor Hayle Salaase iyadoo uu taajjkii ka rogey Mingisu Hayle Mariam oo kamid ahaa Saraakiishii ku dhex korey aqalka Boqortooyada,awaxaana dhegta dhiiga loo darey Raysarwasaarihii, Wasiiradii ugu badnaa,Saraakiil badan oo ay kamid ahaayeen kuwa qoyskiisa kasoo jeeda,waxaana ka badbaadey ololihii lagu qaadey qoyskiisa wiil uu dhaley oo uu u qoondeeyay dhaxalka Boqornimada oo la odhan jirey Asfa Wossen iyo mid kale oo dalka Biritan ku sugnaa laakiin intii kale waxay u badnaayeen kuwa lagu gurey jeelashii Waaweynaa ee uu sameystey sida Alen Baqah oo ahaa jeel weyn macnihiisuna yahay “Aduunyadii wey dhamaatey”.
Mudo badan ayay Saraakiishii Dergigu qarinayeen Boqor Hayle Salaase in la inqilaabay taas, oo sabab u aheyd in aanay mudo badan oo wakhti dheer ah ogaanin qeybo badan oo dadka Itoobiyaanka ahi in ay garowsadaan in Hayle Salaase ka degay Xukunka, waxaana markii u horeysay Dergigu u magacaabeen Madaxweyne Kumeel gaadh ah Adnaam Andum oo ahaa Janankii Eletariyaanka ahaa, oo la dilay markii uu xilka hayay sanad,  kaas oo ay ku xijisiiyeen Tafarre Baandhi oo ay Mingisu saaxiib ahaayeen, waxaanu xilka hayay laba sano kadibna waala khaarajiyay, qabsashadii Mingustu sanad kadib ayaa, sanadkii 1975kii Iadaacada Dalka Itoobiya laga baahiyay in Boqor Hayle Salaase dhintey laakiin waxaan fursad u helin Dad badan oo kamid ah malaayiinka katirsan Qowmiyadaha dalka Itoobiya in Boqor Hayle Salaase dhintey……………Lasoco