Madaxweynaha Jabuuti Oo Maanta Qaabiley Daljiraha Falastiiniyiinta Ee Djbouti

0
Djbouti(BGN)-Madaxweynaha dalka Jabouti Ismaaciil Cumar Geele ayaa, maanta xafiiskiida dalka Djbouti ku qaabiley Daljiraha Maamulka Falastiiniyiintu usoo igmadeen dalkaasi Djbouti.
Madaxweynaha dalka Djbouti Ismaaciil Cumar Geele ayaa ka gudoomay Daljiraha Falastiin usoo magacowdey dalka Djbouti Kaamil Qasaas dhambaal Qoraal ah oo uu uga sidey Madaxweynaha falastiiniyiinta waxaanay labada dhinac Madaxweyne Geele iyo daljiuhu kawada hadleen xidhiidhka falastiin iyo Djbouti, kaas oo lagu dheeraadey iyadoo Madaxweyne Geele dhinaciisa ka hadley sida Shacbiga iyo Xukuumada Djbouti raalida uga yihiin shacbiga Reer Falastiin, una barbar joogaan islamarkaana, uga soo horjeedaan Gumeysiga Yuhuuda sida Warbixinta RTD loo dhigay.
Gabagabadiina waxa uu Madaxweynuhu kusoo dhaweeyay Danjire Kaamil Qasaas gacmo furan isagoo, u sheegay in Dalka Djbouti yahay dal Islaam ah oo walaalaha reer Falastiin

ah.

Madaxweyne Ismaacuiil Cumar Geele ayaa, dhinaciisa dhawaan Safiiro badan ukala direy meelo badan oo kamid ah Dunida isagoo qaarkoodna kasoo dhaadhiciyay howsha danjire waxaana kamid ahaa danjiraha uu usoo direy Somaliland.