Waa loo kordhiyee – Yaa loo kordhidhiyey ? Mase u qalantaa in loo kordhiyo? Boowe! bal dhugo dhacdooyinka hoose ee Xukuumada Siilaanyo ay ku fashilantay 5-tii sanadood ee ay hogaanka dalka haysay. qalinkii A/rahman fidhinle UK‏

0

Waxaa aqoonyahanka iyo wax garadka JSL ay isku wada raaceen in waxyaabihii  ay xukuumadani ummadda uqabatey ay ka  culus yihiin dhibaatooyinkii ay gaadhsiisey iyo diiftii, dil-dilaacii, qeybsanaantii, qabyaaladii, qaraabo kiil kii iyo afooyinkii godobta wada ahaa ee ay kala dhex dhigtey shacabkii iyo dhamaan beelihii iyo bulsho weyntii walaalaha ahaa ee reer Somaliland.Waxaa shacabku wada daalacdey boobka qaawan iyo qaraabo kiilka ay ku bixiso hantidii ummadda,dhulkii danta guud, kontaratyadii kheyraadka dalka iyo Liisamadii ay siisey shirkadihii shidaalka ee sameyska ahaa ee aan sharciga la marin. Muwaadin nala wadaaga dhacdooyinkan hoose ee wada runta ah ee ay maareyntoodii xukuumadeena faan jecel, deman ,diihaal badan  ay ku gel gelimeysatey, kuna asqowdey,kuna ceyn iyo baydba godey hadana ay ku adkaatey sidii ay isaga maydhi laheyd fadeexadii iyo ceebihii gunnimada ahaa ee goobahaas ka soo gaadhey oo ilaa  iyo maanta  xukuumada ku ah bar madow oo aaney iska maydhi karin ee u noqon doona tixraac iyo tiraab taariikhda u gala oo lagu xasuusan doono abid.
.
 1- Waxay xilkii si kedis ah uga xayuubisay   28/4/15 Gudoomiyihii Maxkamada sare iyada aan kala tashan una gudbin labada gole si ay u fushato damaceeda iyo danteeda gaarka ah ee ku saleysan mudo kordhintan uu Aabaheed goblamay.
2- Waxaa markabkii hubka siday ee lagu qabtay dekeda Berbera  24/1/15 ay u maareysay sife karaamo la’aan ah, karti la’aan ah  oo fadeexad dawladeed noqotay kadib markii ay isla jaanqaadi waayeen wasiiradeedu ee ay kala hadleen, kala socdeen ee hubkii ka dejiyeen Markabkii ka dibna ay dib u saareen.
3–  Waxaan shacabka JSL aanay  ilaabeyn oo quluubtooda ku duugan Inqilaabkii dhicisoobey ee milateriga ahaa ee ay xukuumadu  ku qaadey Golaha Baarlamaanka bishii 15/11/2014.Kaas oo sababay kacdoon dadweyne iyo dhimasho iyo dhaawac ay rasaas nool  la dhaceen shacabkii ciidanka RRU-du.
4- Waxaan Shacabka reer Berbera aanay ilaabeyn Weerarkii maleeshiyo beeleedka hubeysani ay ku qaadeen 3/11/14 Maxrajka sadexaad ee Berbera kaas u dhacey sife loogu magacdarey gardaro garab og, ka dib markii ay hubkoodii guryahooda kula noqdeen qas-wadeyaashii iyada oo aan cidii ka danbeysey ee hageysey weerarkaana ay xukuumadu indhaha ka la lisay oo aan sharciga la hor keenin danbiile ama shaqsi qudha.
5– Boobka iyo Bililiqeysiga dhulkii danta guud iyo Guryihii dawlada  iyo dhamaan hantidii maguuraanka aheyd ee qaranka sida Guryaha Wasiirada ugu tunka weyn loo xalaaleyey iyo kuwa loo sadqeeyey shirkadaha gacan wadaaga yaqaan ee ilma jini boqor sida Gaandi Libaray,Wersheda laydhka ee Hargeisa, Wershada Leydhka ee Berbera, Netfish Berbera, Leynka police ee Hargeisa, Sariibada Octobar iyo Xanaanada dhalaanka ee Hargeisa.
6-Sameynta Ciidanka ilaalada shidaalka ( OPU ) oo ah ciidan xaaraan ah oo dhinac ka raran oo aanu baarlamaanku ansixin, qorshahan oo qadaraas loo siiyey shirkad xabkeysan, Ciidankan waxaa loo sameystey shacabkii wadanka lahaa ee xaqa ku taagnaa ee yidhi xaqayaga naga siiya shirkadaha oo sharciga soo waafajiya ciidanka iyo shirkadaha shidaalkaba,intaan la baadhin dhulka  arintan oo aan ilaa hada laga ansixin Golaha Baarlamaanka si ay shirkadahaa u siiyaan Shahaadado Maalgashi..
7- Waxaan reer Awdal ilaaweyn oo qalbigooda ku duugan sidii ay ka yeeshay Xukuumadu Odayaashii reer Awdal ee cabashooyinkooda soo bandhigay kadibna  kuwii ay ka cabanayeen si badheedh ah oo gunnimo ah gudi ahaan loogu saaray ee lagu bahdilay Salaadiintaas ,taas ay xukuumadu ucadeysey in aan loo sineyn yuhuunta iyo wada-lahaanshaha  talada iyo wadaaga dawladnimada Somaliland.waxay arintani keentay in Shacabku Guuxaan oo uu Suldan Wabar  Buurta galo oo uu ka quusto dawladnimada Somaliland.
8– Odayaashii Ciise ee iyana iyaga oo kabna lulaya kabna laa-laadinaya ka huleelay S/land kadib markii ay  quus iska taageen dhaqan xumada iyo dhego adayga Xukuumada Siilaanyo
9–  Waxaa iyana khatarteeda leh oo Fashilaad ciidan qaran ah askarta iyo Saraakiisha  sida qorsheysan ee shirqoolka ah isu laynaaya sida kuwii isku laayey qoru lugud iyo Saax-dheer ee sida tukaha hadana loo aasey.
10--Dilkii-foosha xumaa ee Seemaal, ee loo xidh-xidhey dadka fara badan ee uu ka midka ahaa waqtigaa la taliyihii hore ee siyaasada ee madaxweynaha iyo weliba fadeexadii iyo ceebtii  ka dhacey  Ceel-bardaale iyo sidii foosha xumayd ay xukuumadu u maareysay dhacdadaa foosha-xumeyd.
.
 11-Dagaalkii  dhiilada badnaa  ee ka dhacey Degaanka Buuhoodleh  iyo kalshaale ee xilkiisii uu ku waayey taliyihii ciidanka qaranka ee waqtigaa, taas oo  ciidamo ay ku naf-waayeen qaarna ku dhaawacmeen dhacdadaa.Waxaana uu dagaalkani sababay in waayadan danbe ay xukuumadan faan jecel ku fashilantay sidii degaankaa Buuhoodle dawladnimada S/land loogu fidin lahaa ee loogu soo dabaali lahaa Nabadgelyo sugan.
 12– Waxaa ina fadeexad qaawan aheyd  sidii ay xukuumadu ka yeeshay Diyaaradii sidey saanadda  Ciidamada  Puntland ee Hargeysa Cigaal Air port lagu qabtay 12/1/11 , Taas oo waxoogaa lacag ah laga qaatey, kadibna lafasaxay ee ooda laga qaade Dayaaradii.
 13 26/3/12 Raashinkii danyarta laga duudsiyey oo dhamaa 2 doonyood oo buuxa ee dib loogu eedeeyey xeyndaabkii madaxtooyada iyo madaxdii xukuumada taas oo aan ilaa iyo hadana aan la garaneyn Lunsigaa raashinkaa danyarta cidii masuuliyadeeda laheyd. Waxaa arintani kuu cadaynaysaa in xukuumadani tahay mid xaaluf daaq ah oo uu musuq maasuq hadheeyey.
14- Waxaan mujtamaca JSL marna ilaaweyn 20/3/12 Liisankii ama rusqadii qaraabo kiilka aheyd  ee shirkada ninka keliya leeyahay la siiyey ee loo haneeyey loona caseeyey Wershadii Sibidhka iyo Buurihii  Sibidhka oo ahaa Collective -ASSET-kii  qaranka Somaliland oo dhami wada lahaa. Waxaa Xaaraan ah in kheyraadka dalka la siiyo qoys keliya oo shirkad sheegta.
15- Ceebtii ka dhacdey Doorashadii golayaasha degaanka ee wadanka ka dhacdey 28/11/12 ee ay xukumuudu af-duubtey ilaadadii iyo foodkii shacabka, taas oo ay ku dhinteen dhalinyaro, qaarna ay ku dhaawacmeen halkaasna ay ku wiiqantey sharaftii iyo karaamadii doorashooyinkii S/land lagu amaani jirey ee lagu majeeran jirey, taas oo iyana sii sababtey in uu hoos u sii dhaco halbeegii qaramada midoobey ay ku cabiran jireen xaraarada nabadgelyada S/land ku negaatey oo hada kala wada yeeshay level kala duwan.
16) -Waxaa Ceeb ma hadho ah  iyo bar nadow ku ah xukuumada Siilaanyo sidii ay umusuq-maasuqdey lacagtii Malaayiinka doolar aheyd ee loogu talo galey in lagu dhiso Madaarka Hargeysa iyo Madaarka Berbera, Taas oo aaney weli shacabka S/land  ucadeyn siyaabihii ay lacagahaasi ku baxeen. Waxa shacabku isku raacey in qanadaraaskaa $10 Million ee dollar ka badnaa lugu abaalmariyey shaqsi keli ah oo aan shirkad ahayn markaa ee ahaa deris-ku nool degel meer ahaa.
 
17) -Waxaa Xukuumada  Fadeexad qaawan iyo Ceeb ugu filan lacagihii Mallaayiinka Doolar ahaa ee xaqal-qalinka ahaa ee ay ka qaadatey Shirkadihii sameyska ahaa ee Sahaminta shidaalka oo ay ugu horeyso  Genal Energey iyo shirkadaha kale ee  DNO, ASDAN, RAC-GAAS, AVEAL, ASANTI OIL, ORPIN ENERGY, STERLING ENERGY, JACKA RESOURCES, BETRO SOMA, iyo  EAST AFRICAN RESOURCE GROUP kuwaas oo aan dhamaan baarlamaanka la hor keenin oo midna aan la siin Shahaadad Maangashi oo baarlamaanku saxeexay.
18) -Waxaa iyana ay xukuumadani la kowsatay Caadooyin gunnimo ah oo  ay had iyo jeer kula  gal-galato Saxaafada madaxa banaan ee madaniga ah taas oo albaabada u laabtay wargeysyadii Haatuf,Hubaal iyo Somaliland times waxaana ay  xabsiga dhigtey xukumadani tiradii ugu badneyd abid ee weriyeyaal la xidho oo la jidh dilo kuwaas oo gaadhaayey ilaa 70 weriye iyo madax badan oo Xisbiyada mucaaridka ka mid ahaa, Xildhibaano xasaanadii laga qaadey oo lagu garaacay madaxtooyada dhexdeeda  iyada oo aan loo soo marin dariiqii sharciga ahaa.
19) Waxay si aargoosi degamsan ah xilalkii uga wada xayuubisey oo u geeso garaacdey wasiiro badan oo isku beel ka soo wada jeeda oo ahaa ragii ugu aqoonta , khibrada iyo kartida badnaa xukuumadeeda waxaana ka mid ahaa Mujaahid Mohamed Xaashi Cimi, Mujaahid-Boobe Yusuf Ducaale , Dr Mohamed Abdillahi Cumar, Dr Ahmed hashi Odey , Abdicasiis Samaale iyo Abiib Timo-cad oo ay mission ku fushatay, Abdillahi abokor osman Wasiir ku xigeenkii hore ee Amniga, Taliyihii hore ciidanka  qaranka General  A/baasid Nuux Taani iyo taliyihii ciidanka ee ku sii xigay General Mohamed Hassan C/llahi ( jidhif ). Halka ay wasiiradii degaanka madaxweynaha ka soo jeedaa ay noqdeen qaar lala doortay madaxweynaha oo aan cidi taaban ee ay iyagu wada noqdeen lama bedelaan, lama taab taan, Ceeb ka saliin wada ah  “Timir Lafbaa ku jirta” !!
20)- Waxay xukuumadani si arxandaro iyo axmaqnimo ah ay ugu isticmaashey awooda dawladnimo oo ay guryahoodii ku weerareen Ciidankeeda RRU-du Wasiir ku xigeenkii hore ee Amniga Abdillahi Abokor iyo Gudoomiye ku xigeenkii hore ee G/Togdheer Guleed Dahir Samatar, halkaas oo ay ciidankaasi ku gebe-gebeeyeen caruurtoodii iyo xaasaskoodii oo aan iyagu waxba galabsan.
21) -Waxaa shacabka  JSL ucadaatey in aaney maanta S/land  jirin maslaxad qaran, maadaama ay xukuumada Siilaanyo ubanbaxdey burburinta jawigii hanaankii Dimuqraadiga ahaa ee Geedi socdokii Dimuqraadiga  ee JSL ku taami jirtey mudada dheer, waxaaney Xukuumadani Siyaasadeedii hada isugu soo ururtey khidad daciif ah oo deris ku nool ah oo duunyo lunsi ah oo damac iyo dan gaar ah  leh taas oo ay dhuuxa ka gashey Aargoosi degamsan, cadaawe siyaasadeed, xiisad sameyn iyo xaalad abuur ku raad gadasho ah oo ay ku raajicinayso uun mudo korodhsi waqti dheer ah oo ay doonayso in ay ku dhoobo qaado kuna xaalufiso assadka iyo ilaha dhaqaalaha ee dalka.

 
22)- Waxaa shacabka reer Somaliland wada daalacdeen  in aaney xukuumadi laheyn karti siyaasadeed oo hufan oo ku saleysan feker buuxa iyo aragti dheer ( vision ) laakiin uu xaalkeedii hada ku soo ururey oo noqdey himbiriirsi, halaanhal,dhafan-dhaaf, dhalaan habaabis, dhal-dhalaal been ah, Wadadu- wadey daalibeysaa iyo musuq-maasuq xadkii dhaafey oo hantidii ummadda lagu lunsanaayo sifeyaal kala duwan oo casri oo cilmiyeysan.
23 )- Maadaama ay xaqdaro iyo dulmi badani uu wadanka ka dhacdey 5-tii sanadood ee ay xukuumadani gadhwadeenka ka aheyd Somaliland, maanta iyo haatana ay faraha la gashey unugii ugu sareeyey qaranka JSL oo ah Dastuurkii Qaranka  iyo Goleyaashii Qaranka oo ummaddii indhahooda ku daalacdeen iyada oo usoo gur-guuraneysa habeenkii Golihii Guurtida iyo Golihii Wakiilada, taasina waxay wadanka ku keeni kartaa carqalado hor leh,cawaaqib xumo iyo in  Golayaashii la soo doortey laga aamin ka baxo kadibna  gacmaha  la isula tago oo  dagaalka siyaasadeed ee degamsani uu hada isku bedelo dagaalo sokeeye oo qarxa, alleh ha inaga hayee.
Gunaanad: Siyaasadda guracan ee xaaluf daaqa iyo dhoobo qaadka ah ee  xukuumada Siilaanyo waxay lumisey haykalkii, hanaankii iyo karaamadii dawladnimo,waxay lumisey burjigii, burhaantii iyo buruudkii qaranimo,taasna waxaa cadeyn kuugu filan fashilaadahaa iyo fadeexadahaa tirada beelay ee aan kor kaga soo dhawaajiyey .Sidaa daraadeed Danta guud ee Somaliland waxay ku jirtaa mar-walba iyo maantaba in isbahaysiga Mucaaridku si adag u midoobaan kana tashadaan sifihii  wadanka looga badbaadin lahaa Haadkan iyo Haanraaweyaashan ku habsaday laguna soo dabaali lahaa midnimo qaran iyo kefedii miisaanka ee sharciga aheyd.
Alleh ayaa Mahad Leh,
Wehelkiinu Waa-Alleh iyo Nebi(scs)
Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,
Qalinkii :A/rahman fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD BA
United Kingdom
London