Faallo Berbera: Hirdanka Labada Maareeye oo Midkood Siyaasadda Raad-baradku Yahay Cabdicasiis Bashiir Nor

0

Berberi waa magaalo xeebeed il-dhaqaale u ah, shacabka reer Somaliland waa goob intaa badan ay eegayaan Indhaha Shacabku waxa’se ka jiraa Hirdan u dhexeeya Masuuliyiinta laamaha Dawladda ee Gobolka, waxa kaloo aan ka madhnayn Ficiltan u dhexeeya  siyaasiyiinta  Gobolka oo  mar walba u beretamaan u kala dhowaan-shaha dhinaca Qasriga dalka looga arrimiyo. Berberi waxa ay leedahay Masuuliyiin badan oo kala maamula Waax-yaha kala gedisan ee Dawlada sida Maareeyaha, Dekeda Berbera, Maareeyaha Haamah Shidaalka Badhasaab iyo Duqa Magaaladda, dhamaantood waa kuwo ku hawl-galaa amarka mar walba laga soo faro dhinaca Madaxtooyadd.

 

Hase-yeeshe waxa muddooyinkii uu danbeeyey dibeda usoo baxayey khilaaf ba’aan oo u dhexeeya labada Masuul ee kala Maamula Dekedda Berbera iyo Keydka Haamaha Shidaalka, kuwaasoo uu salka ku hayo khilaafkoodu u kala dhowaan-shaha Madaxtooyadda  iyo sidii ay saameyn ugu kala yeelan-lahaayeen dheggaha Shacabka reer Somaliland . cali Xoor Xoor waxa uu muddo labaataneeyo sanno ah uu Maareeye ka ahaa Dekedda koobaad ee Berber waxana intaa badan dadku ku majiirtaan inuu yahay Nin aad u faxal ah, Maareeye Cali waxa usoo shaxaad-taga Masuuliyiinta Asxaabta Mucaaridka iyo Muxaafid-ba leh waa kuwii Udub iyo kuwii Kulmiye iyo weliba dad kale oo badan. Eng Cali Xoor xoor maha afmiinshaar hadalka yaqaan oo waa lagag wanaagsan yahay dhinaca Khudbadaha wuu ku haftaa mana qanci karo bulsho meel iskugu timi.

Waxa’se maalmahan fagaarayaasha siyaasadda Berbera Yaalay wiil sheekh ahaan jiray oo siyaasadda kusoo biiray waqtii aan sidaa usii foggeyn oo ahayd Xilligii ay sii dhacaysay Dawladdi hore ee Udub, waqtigaasoo uu ahaa Isku Duwaha Diinta iyo Awqaafta ee Magaaladda Berbera, waqtigaasiba waxa uu bilaabay inuu la soo baxo Guul-wadeyn xad-dhaaf ah, isagoo waqtigaasi Madaxweynaha hadda iyo Marwadiisa ka af-lagaadeeyey Fagaarayaal waxanu isla waqtigaas ku qanacsanaa Xilka Isku-duwaha Diinta Gobolka, waxana weedhaha Waqtigaas aanu meel deyin sheekh Saleebaan ka Haamaha shidaalka Berbera ee uu sida qaawan ugu weereray Qoyska Madaxtooyadda waxa uu ahaa sidaan soo socotaa.

“Maanta ma waxaynu Dooraanna Todobaatan Jir aan kubkiisa Weyso marin” weedhaasi waxay ahayd mid uu sheekh Saleebaan ula jeeday Madaxweyne Siilaanyo, sidoo kale, waxa uu sheekhu si hoose meel kaga dhawaaqay weedho ka araadan milgaha qofnimo isagoo gaadhay inuu wax ka sheego Hooyo ,Mrwo sodoh ah, waxanu ku tiraabaysidan. “islaanta Cududaha Gaaban ee Codka idin-weydiisaneysaa  ha u Codeynina” intaas uu kummay ekeyn waxyeelladda iyo weedhaha ka araadan Akhlaaqiyaadka Bini-aadanimo lakiin waxaynu ku eegi doona qormooyin kale, ee aynu usoo noqoono Dagaalka Siyaasadeed ee u dhexeeya Labada Maareeye.

Shiikha Siyaasadda socod-baradka ku ah, ee Saleebaan Siciid Cali waxa uu marka uu la joogo asxaabtiisa uu isleeyey waad isku xan-qarsataan ku qawlaa weedhahan “ miyaanan ahayn Cali Shiikhiyee, miyaad og-tihiin inaan Madaxxtooyadda uga dhowahay oo Masuuliyiinta Gobolka keligay warkaygu ka socdo, Ninkii Cali Gaab miyaad aragteen sow aniga ima rigeysnaa”

Kolay maareeyahan Calooshiisa la Ciyaarka ahii waxa uu iloow-san yahay inuu yahay shaqaale  dawladeed oo aan looga baahneyn Guul-wadeynta ilaa intaa le’eg. Ficiltanka laba Masuul oo ka tirsan Madaxda Gobolka Saaxil ayaa si weyn usoo shaac baxay, muddooyinkii u danbeeyey kuwaasoo mid ka mid ahii isku dheerinaayo ka kale, labadan Masuul oo midkood Siyaasadda Socod baradku yahay ayaa waxa  kale, oo ay kala yihiin Macalin ruug cadaaya  raad-barad siyaasdeed

W.Q

Cabdicasiis Bashiir Nur.

Info@xogreebnews.com

Tel: 4144434

Hargeysa/somaliland