Reer Awdal Xaqbay U Leeyihiin Inay Diidaan Saami Qaybsiga Kuraas Wakiilada, Haday Gobolada Hargeysi Ka Mid Tahay Xishoodeen”Faysal Cali Waraabe.

0

Guddoomiyaha Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in gobolada Galbeed Somaliland ay xaq u leeyihiin in ay diidaan saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada ee isxambaarka.
Guddoomiye Faysal Waxaa uu sheegay in gobolka Awdal xaq u leeyahay inay diidaan sida loo qaybiyay kuraasta golaha wakiilada maadaama lagu qasbay 2005 tii.
Guddoomiye Faysal Cali Waraabe Waxaa uu carabka ku dhuftay inay jiraan mudanayaal golaha wakiilada ka tirsan oo diidan inay doorashadu ka dhacdo gobolada ay kasoo jeedaan.sidoo kale Guddoomiyuhu waxaa uu jawaab kulul ka bixiyay hadalo kasoo yeedhay siyaasiga dibad meerka ah Cali Khaliif Galaydh