Guddoomiyaha Gudida Ilaalinta Iyo Dabagalka Hantida Qaranka ee golaha wakiilada Oo Iska Difaacay Eedo musuqmaasuq Oo Lala Xidhiidhiyay.

0

-Guddoomiyaha gudida ilaalinta iyo dabagalka hantida qaran ee golaha wakiilada Somaliland Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi ayaa Sheegay in aanay ka suurtoobin in uu laaluush iyo musuqmaasuq kula kaco hantida qaranka.
Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi Ayaa lagu eedeeyay inuu mashruuc dhirayna ka qaaday maayirka magaalada Berbera oo isagu warkaasi hore u beeniyay.
Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi waxaa uu ku dooday inaanay jirin masuul uu laaluush ka qaatay ee ay jiraan masuuliyiin ku lug leh siyaasada oo ka damqaday dabagalka ay ku hayaan hantida qaranka.
Xildhibaan waxaa uu sheegay inaanay marna kasuurtoobin inuu masuul laaluush waydiisto isagoo sheegay inaanay eedaymaha noocan oo kale ahi shaqadooda waxba u dhimayn.
Warsaxaafadeed xildhibaanku kaga hadlayo musuqmaasuqa lagu eedeeyay ayaa udhignaa sidan:-
Warsaxaafadeed.
Anigoo ah Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi, Ahna Guddoomiyaha gudida ilaalinta iyo dabagalka hantida qaranka ee golaha wakiilada Jamhuuriyada Somaliland, Waxa aan halkan ka cadeynayaa si adagna aan ugu beeninayaa warar maalmahan kusoo baxay qaar kamida saxaafada somaliland.
Waxaan bulshada u cadeynayaa inaanay marna iga suurta galin in aan ku lug yeesho laaluush oo aan waydiisto masuul qaran, haday tahay mid degmo,mid gobol iyo mid haayadeedba, mana jirto laaluush iga soo gaadhay iyo sabab aan uga qaato duqa ay saxaafadu xustay.
Waxay soomaalidu ku maahmaahdaa “Qudhaanjooy Ku Quuso” oo aan uga jeedo, Duqa Berbera isaga laftigiisu cadeeyay in aanay marnaba na dhex marin wax u muuqda laaluush iyo wax isdaba marin.
Waxaan saxaafada madaxa banaan oo aan ixtiraam badan u hayo, usoo jeedinayaa in marka ay ku dhex jiraan baadhitaano wareed, siiba musuqmaasuqa ay hubsiimo ku daraan oo ay iska ilaaliyaan wararka aan la hubin ee ah waxaa la sheegayo.
Arintan wuxuun baan u arkaa in ay alifeen dad siyaasad ku lug leh oo ay damaqday ilaalinta iyo dabagalka aanu hantida umada ku hayno, waxaanan u sheegayaa inaanay waxba u dhimi doonin shaqada aanu qaranka u hayno.
Mar labaad waxaan bulshada si adag ugu cadeynayaa in aan ahay mudane ku astaysan in aan la dagaalamo musuqmaasuqa iyo laaluushka, igamana suurtowdo in aan shaadhkayga cad wasakh mariyo.