Xildhibaan Dheeg Oo Xukuumada Quus Ka Istaagay,Kulmiyena Iska Casilay.

0

Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin Dheeg oo ka tirsan Xildhibaanada Aqalka Golaha Guurtida somaliland ayaa cadeeyay inuu ka Baxay xisbiga Kulmiye isaga oo cadeeyay inuu kaga Baxay Markii uu Shuruudo uu Beeshooda la Galay Fulin Waayay Madaxwaynaha Somaliland.

XIldhibaanka Ayaa Cadeeyay in Xukuumada Kulmiye Dhamaan Masuuliyiin Ka soo jeeda Beeshooda Ay xilalkii ka qaaday,una magacaabi wayday taasina ay keentay inuu quus ka istaago Xisbiga Kulmiye.

Dheega ayaa sheegay in Salaadiintooda Ama Cuqaashu Kulankii lala Yeeshay uu Noqday Mid Aanay xukuumadu fulinin ilaa hada, taasina keentay inuu xilka hada iska casilo isaga oo meesha ay beeshu u garato ku biiri doona.

“Waxaan Anigu ahaan jiray xildhibaanada aan guur-guurin oo halka lagu bartay am

halka uu joogi Difaaceeda am ayidaadeed ku nagaad ayaan ahaa oo waliba waxyaabaha ay ku Gardaran tahay xukuumadu waligeedba difaaci jiray,waxa lagaga gardaran yahayna ka difaaci jiray,lakiin kulmiye markii uu maamulka lawareegay beesha aan ka tirsanay,waxaan uga jeeda mudane kasta waxa u beel ah inta codka siinaysa,taliye ciidan ayaanu lahaan jirayn Xukuumadii Udub,agaasimayaal,Wasiiro Maalintii uu kulmiye xilka qabtayna Dhamaan wuu daadiyay oo Delete ayaa lasiiyay

intaas waxa uu ku daray isaga oo hadalkiisa siiwata waxaana uu yidhi xildhibaanku.”Markii kulmiye xilka hayay sanad ayaan xaflad ka soo qayb galay,waxaanan idhi beeshii dib u eegis halagu sameeyo,ilaa maanta ilaa maalintaas waxa layidhaa sifeega keena waxna la iima soo kordhiyo,markii u danbaysayn Labadii Suldaan Caaqiladii iyo Masuuliyiintii ayaa kulan layeeshay oo yidhi shantii sane dhamaaye inta kuu hadhay xil loo magacaw.

waxa uu cadeeyay inuu kulmiye ka baxay cabashada beesha uu ka so jeedo awgeed waxaana uu yidhi”muddo ayaan lahaa siinagaan kari maayo oo masii joogi karayo meel beeshaydii ka tashatay dibadna la iga soo leeyahay maxaa ku duldhigay warbaahintuna tidhi dheeg waxa lasiiyaa wasaarada mushaharkeed sidaas ayuu kulmiye ku difacaa,markaas maantaba ka tagaye ninkii odhan jiray waxbaanu siinaa maantaba ha sheego.

Geesta kale waxa uu yidhi.”Beeshu aniga ayay igu xaq dhawraysay meesha oo marba lahaa suga bal,ana waxaan halkan uga cadaynayaa inaan u haynin waxaan meesha uga yalaana am aan u hayaana anaay jirin ana quus aan iska taagay ,halkan aan ku biiri doono beesha ayaa I xukunta oo dib ayaan ka soo sheegi doonaa.