“Madaxwaynaha Waanu Ka Diidnay Codsigii,Go’aankii Guurtida Waanu Ku Adkaysanay,Anaga Oo Ilaalinay Sharciga….Siciid Jaamac Cali

0

Fadhigii 57 ee golaha Guurtida somaliland ayaa saaka Si rasmi Ah u Furmay iyada oo lagaga hadlay Muddo kordhintii Ay u sameyeen Madaxwaynaha Somaliland iyo golaha wakiilada iyaga oo ku adkaystay inaanay ka Noqonay Go’aanka ay gaadheen Gola waynahu.

waxa uu Siciid jaamac Cali ka hadlay Shir ay layesheen Madaxwaynaha Somaliland oo lagu doonayay in Lays waafajiyo  Go’aanka Guurtida iyo Xalkii Siyaasiga Ahaa iyaga oo taasna Madaxwaynaha Ka diiday Sida uu cadeeyay.

ku simaha Guddoomiyaha Guurtida ayaa sheegay cidii Dastuurka Somaliland ka Gudubta Sharci Jabin Ay ku dhaqantay,sharciga uu Golaha Guurtida siiyayna  soo jeediyay in Sideeda loogu dhaqmo lana Tix Galiyo.

“Waxa kale oo jira go’aammo iyo heshiisyo ay  xisbiyada iyo


xukumadda oo ku ladhani ka daba keeneen go’aankii guurtida. Arrinkaasi waxa weeye, dalkani wuxuu leeyahay dastuur iyo shuruuc laga dheegay dastuurka, asxaabtu haddii aanay iyagu ixtiraamayn ama aanay xaq-dhawrayn dastuurka, dastuurku waa waxay ku dhisan yihiin ee ay axsaab ku yihiin ee ay ku hadheen ururadii kale,” ayuu yidhi Mudane Siciid. 
Kusimaha guddoomiyaha guurtida ayaa hadalkiisa sii watay waxaanu yidhi “Dastuur baa hay’addo lagu yahay, dastuurka ayaa kala qaybiyay hay’ad walba awooddeeda. Dastuurku muddo kordhinta golaha xukumadda iyo golaha wakiillada wuxuu u siiyay golaha guurtida, iyadoo la tix raacayo qodobo dastuuri ah, cid kasta oo khilaaftaa waa cid ku xadgudubtay dastuurkii qaranka ee aan dhigannay”. 

Mudane Siciid oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay inaan kordhinta muddo xileedka guurtidu samaysay aan waxba laga bedeli karrin “Muddo kordhinta guurtida Heshiis lagama gaadhi karo, go’aan kale lagama soo saari karo, wax jira oo sharci banneeyay heshiis lagama gaadhi karo” ayuu yidhi Mudane Siciid.

waxa uu ka hadlay Kulan uu layeeshay Madaxwaynaha somaliland oo lagu doonayay in Xalkii Siyaasiga Ahaa iyo Go’aanka Guurtida la is waafijiyo oo Madaxwaynaha Ay ka diideen waxaana uu yidhi.

“Mudanayaal waxa khamiistii nooyeedhay Madaxwaynaha Somaliland,waxaana uu noosoo jeediyay Codsi uu leeyahay halays waafajiyo Go’aankii Muddo kordhinta iyo Xalkii Siyaasiga Ahaa,Arintaas Madaxwaynahu Xaq ayuu u leeyahay waa Madaxwaynahii Dalka,Balse anaga oo Markasta ku adkaysanayn Go’aankaygii gola waynahu gaadhay,lana Doonaayo Go’aanka Guurtida in lagu burburiyo Go’aanka Axsaabta,Arinkaas iskumanaan Af garan,cod sigiina waanu ka Diidnay,waxaanan ku adkaysanay Go’aankii Guurtida.