Khilaafkii Jaamacadu Waa Dhamaaday,Ardaydii Wax Dhigashadii Way Bilaabeen.Guddoomiyaha Cusub Ee Jaamacadda

0

Jaamacadda Hargaysa oo In Mudo Ah u Xidhnayd Khilaaf ka Taagnaa Ayaa Maanta Guddoomiye ku meel Gaadh ah Loogu Doortay Mahdi Cismaan Buuni oo Ahaa Xidhiidhiyaha Gudida Iyo Boodhka Jaamacadda.

Axmed Buuni ayaa sheegay inuu Ku rajo wayn yahay inuu Khilaafkaasi dhamaaday Loona bahan yahay in Jaamacadda Ladajiyo,isaga oo cadeeyay in Ay ardaydu Gali Doonaan Intaxaanka Hawlahii Shaqadana Labilaabi Doono.

Buuni oo waraysi Siiyay HadhwanaagNews ayaa ka waramay Sida Xilka loogu Magacaabay waxaana uu yidhi.

“Xilka la ii Magacaabay Adeer waxa weeyaan inaanu meesha dajino,meeshani waa Muraayadii Dalka,waa meel Ay Caruurteenu dhigato,kolkaas  waxaanu ilaahay ka baryaynaa in ay meeshu xagaagto oo inoo socoto,umana baahna in jaamacadda Lasiyaasadeeyo,Boqolkan wariye ee meesha yaacayana

 


jaamacadu maaha meel qaadi karta umana baahna in lasiyaasadeeyo.
Intas waxa uu ku daray isaga oo hadalkiisa siiwata guddoomiyaha Cusub ee Jaamacadda Hargaysa.”Xilkan waxaan u arkaa Xilkii lamid Ah kii la iimagacaabay oo kalaa,Kolkaas Nala shaqeeya Nala Dajiya,Siday la ii soo xulay waxa weeyaan Markaygii Horeba waan ku jiray Gudida Boodhka Jaamacadda,waxaanan Ahaa Markii horeba Xidhiidhiyaha Gudida iyo Jaamacadda oo Markii horeba meesha waan ka shaqayn jiray oo Mudo imika dhawr sano ah ayaan joogay.

Mahdi Cismaan Buuni ayaa sheegay inuu Si ku meel gaadh ah jaamacadda guddoomiye ugu noqon Doono inta lakeenayo Guddoomiye kale waxaana uu yidhi.”Si kumeel Gaadh ah ayaa la ii magacaabay inta lakeenayo Guddoomiye Hanta Jagadan guddoomiyaha,xilna waa soo qabtay oo wasiir ku xigeenki caafimaadka ayaan ahaa oo xilkan xil ka wayn ayaan soo qabtay.

Qaabka uu u wajahayo Khilaafka Jaamacadda Ka taagan ayuu ka waramay Guddoomiye buuni isaga oo rajo wacan ka muujiyay inuu Xaalka Dajin Doono isaga oo ardaydana ugu baaqay in Ay jaamacadda ku soo Noqdaan.

“khilaafkii waa iska dhamaaday meel shaqo ka socoto khilaag waa iska imana doonaa oo carab iyo labadiisa daan ayaa is qaniina,waxa ay ku xidhan tahay hadba sida khilaafka looxaliyo meeshana gudi ayaa joogtay,iyadaana sidii ugu haboonayd ka yeeshay,balse waxaan ku rajo waynahay in ay shaqadii sidii awalba u socon jirtay hada u socoto loona bilaabo.

Waxa uu sheegay in Intaxaankii Jaamacadda Bilaabi Doonaan,kuna Rajo wayn Yihiin in Ay Hawlaha Jaamacadu Sidii loogu talo Galay u socdaan.

Si kastaba Ha Ahaatee Khilaafka Jaamacadda Ka taagan ayaan ilaa hada lasoo Afmeerin waxaana Jaamacadda ku Gadaaman Ciidanka Millatariga Somaliland oo Hareeraha ka taagan,waxaana Laga dhul Sugi Doonaan Go’aanka Kama Danbaysta Ah ee Laga Gaadho Jaamacadda,Inkasta oo Sacad Sheegay in Ladhameeyay.