Waa loo hanwaynaa,waase lagu hugoobay W/Q.Maxamed yaasiin maxamed‏

0

way cadahay in xukuumada wakhtigeedii ku ekaa 27.07.2015,waana dhab wax kastoo jiray inaan la burburinayn,ee xal sharci ah loo haybinayo;waana markhaati madoon in xisbiyada mucaaradkuna ay taas ku qanacsan yihiin,waana ta keentay hindise heshiiska sadexda xisbi qaran ay wada gaadheen,iyagoo raali ka ahna waxay ogolaadeen in ay dawladan jirta ay u gartaan 1.6 bilood,in loogu daro,taasi ma aha mid sharci ka dhigaysa hindisahaasi,hadii uu ahaan lahaana cidina maanta kuma wada hadasheen,balse ilaa hada waxaa la la’yahay hanaankii uu sharci ku noqon lahaa,taasina waa ogolaanshaha guurtida oo keliya,balse waxaa ayaan daro ah,in xisbiyadu ilaa hada ay ku hadaaqayaan inaan golahaasi aanu sharci ahayn,si kastaba ha ahaatee,xisbiyadu waxa ay sadex maalmood ku jireen shir taageerayaashooda iyo bulshada kale ee somalilandba ay ka sugayeen inuu ka soo baxo dhawaaq aad loogu wada farxo,balse ayaan daro waxa ka soo baxay wixii aynu awalba hore uga gaynay,oo ahayd in la sharciyeeyo hindise heshiiskii aan sharciga ahayn,iyo qodoba sidaasi si lamida aan tayo badan lahayn,
           sida dhabta ah waxaa u dhexeeya ee muranka intaa le’eg dheliyey waa waxaan ka badnayn 3.15 sadex bilood iyo toban iyo shan cisho,mudadaasi waa wakhti aan u qalmin dhibaato,dagaal iyo rabshado midna weliba mudo kordhintani waxay faa’iido u tahay mucaaradka,oo ay dhisaysaa kalsoonidooda siyaasadeed, kuna hanan lahaayeen taqada dadka iyo cododkoodaba;waayo dhaliil kasta oo muxaafid wuxuu libin u yahay mucaaridka si ay u toosiyaan,sidaa daraadeed waxaan kula talin lahaa inay u hogaansamaan qawaaniinta dalka oo tan guurtiduna ay ku jirto aanayna isku deyin in ay shuruucda dalka ku tuntaan,sidaa darteed guurtida oo ay adeecaan waa waajib dastuuriya mana jirto meel kale oo ay uga iilanayaan.
         waxaan ku soo gebagebaynaa dhan walba muxaafad iyo mucaaradba in la dhawro xeerarka wadanka u yaala,lana dhowro nabada iyo midnimada umada somaliland,dhana looga soo wada jeesto cadawga somaliland oo iminka soo dhiiraday,
                                                        allaa mahadle
                                            MAXAMED YAASIIN MAXAMED
                                           myaasiin143@hotmail.com