Guurtidii Ayaa Diiday Madaxweynihii, Shacabkiina U Sheegtay Waa Xaajo Ugub Ah…Duur

0

Hargeysa(BGN):-wasiirkii hore ee arimaha gudaha somaliland Maxamed Nuur Caraale Duur isla markaana hada ah siyaasi ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay inay guurtida somaliland diiday dalabkii ugu yimid madaxweynaha ee la xidhiidhay inay ka noqdaan mudo kordhintooda khilaafka keentay.

Mudane Duur oo bogiisa Facebook kaga hadlay arinta ayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan “Waxaan is leeyahay shacabka reer somaliland labo qodob midna kuma cusba , umana baahna sheegid iyo shharaxaad midna :
1. Siyaasada somaliland taalaa waa mid soo noqnoqota sida habeenka iyo maalinta oo ma jirto wax ku cusub marnaba . Waayo ? Waxaan jirin kala duwaanshihii mabaadida siyaasadeed iyo aragti ku dhisan in la eego mustaqbalka fog .
Markaa


waa in aynu fahanaa si cad inta aynaan hadlin inay garan karaan waxaynu odhon doono , waayo waxaa ku filan kaad tahay MUCAARAD IYO MUXAAFAD .
Guurtiduna malaa iyada mawqifkeedu waa DIIN DHARAARED .
2 . Dadku maanta way ogyihiin inay maqantahay hogaamintii abuuri lahayd aragti cusub ( hal abuur ) , ama hogaankii keeni lahaa xal waara isagoo soo bandhigaya xaqiiqda jirta.
Waayo ? Waxaa maqan dhiiranaantii lagu dhiiran lahaa runta , waxaa maqan gudoonkii, waxa maqan go’aankii .
Hadaba inta hadashaa een ka midka ahay aan is waydiino fariinta aanu gubinaynaa siday shacabka u gaadhay si togan mise si taban .
Hadaba Madaxweyne fariintii guurtidu na soo gaadhee maxaa nooga baxay ?
A . Waxaa muuqday madaxweyne in masuuliyadii koowad ee hogaamintu ahayd cadaynta xaqiiqda jirta inay maqantahay.
B. Inaad ka baxday heshiiskii sadexda xisbi iyo xukuumadu saxeexeen adoo ka door bidaya danta qaranka maalmaha kooban ee u dhexeeya .
C . In guurtida warkeedii ahaa ii dheha ma dhaafi karo heshiiskiiye .
D . In dhaxalku yahay wax kasta waxooda lagu gudaa ! ( fail to honor people , they fail to honor you )