Fadeexada Qaawan ee uu inoo Qeexaayo Liiskan Hoose ee Qandaraas Bixinta Xukuumada Siilaanyo, Waxay Xukuumadani isku khaladay Qaranimadii iyo Qoysnimadii. qalinkii A/rahman fidhinle UK‏

0

Bilowgiiba markii ay xukuumada Siilaanyo ay hogaanta dalka haleeshay waxay isku khaladay Qaranimadii iyo Qoysnimadii ka dibna waxaa dhinac uciirey oo weecsin iyo beegsin noqdey Qandaraasyadii iyo ilihii dhaqaalaha ee wadanka, taas oo markiiba ay Xukuumadii Xeyndaabkii Baananka JSL iyo Dekediiba ay ku xaraysey Xawaaladihii ilma Jini boqor si loo caseysto oo loo lunsado Lacag dakhli dawladeed ah ama lacagaha deeqaha ah ee deeqbixiya yaashu JSl ugu deeqaan. Taasina waxay sababtey in maanta S/land ay yeelado shaqsiyaad ku taajirey naasnuujinta dawladan musuq badan mudo kooban . Waxaa ishu qabatey Shaqsiyaad biyo dhiijiyey dheeftii iyo dhadhankii yaraa ee shacabku wada lahaa. Shaqsiyaad mansabka ku shaqeysta oo laba lisa amaanadii lagu aaminey. shaqsiyaad ku xafladeeda oo cidii uudoonana ku casuuma hantidii koobneyd ee qaranku lahaa, Waxaana ay arintani keentey in ay meesha ka baxdo yuhuuntii iyo wax wada lahaanshihii dawladnimo ee loo sinaan lahaa anfaca,agabka, mansabka, maganta, moorada , muquunada iyo kheyraadka dabiiciga ah ee dalka, Taas oo iyana meesha ka sii saartey in la is aamino mucaarid iyo muxaafidba oo Doorashadu qabsoonto waqtigeedii. Akhristow bal ufiirso Qandaraasyadan tirada badan ee hoose sifihii lagu bixiyey iyo cidii la siiyey: Sunxaan Allaah!!

1- Qandaraaska Tababarista ciidanka Ilaalinta Shirkadaha shidaalka ( OPU) oo si xaqdaro ah loo siiyey shirkad xabkeysan.

2- Qandaraaska Budhcad badeedka oo lacag badan lagu lunsado oo gacan wadaag ah

3- Qandaraaska dhismaha Hargeysa Airport oo $ 20 million oo dollar lagu cuney oo nin aan shirkad laheyn waqtigaa lagu abaal mariyey oo muquuno loo siiyey.

4- Qandaraasyada Diiwaan gelinta muwaadiniinta, Bal adba isweydii!

5- Qandaraaska Qalabka dib u dhiska Wadooyinka Dalka

6- Qandaraasyada qalabeynta ciidanka amniga ee qaranka

7- Qandaraaska Passporka wadanka E-passport

8- Qandaraaska Dayactirka Haamaha Shidaalka ee Berbera

9- Qandaraaska dayac tirka iyo qalabeynta Dekeda Berbera

10-Qandaraaska baahiyaha qasriga iyo Gaadiidka Madaxtooyada

11- Qandaraaska baahiyaha Shirkadaha Shidaalka baadha

12- Qandaraaska Gaadiidka shirkadaha Shidaalka baadha

13- Qandaraaska WFP-da ee Gobolada Bari

14- Qandaraaska soo iibinta Gaadiidka Hayadaha Dawlada

15- Qandaraaska Baahiyaha Komishan qaranka iyo kiraynta Gaadiidkooda
16- Qandaraaska Daabacaada is dabo jooga ah ee Lacagta Somaliland
17- Qandaraaska Filtareynta Shidaalka lagu shubo Haamaha Shidaalka Berbera
18- Qandaraaska Mashruuca SHIFO ee Cisbitaalka Ceerigaabo
19- Qandaraaska Laabka lagu baadhi doono Dawooyinka Somaliland ee dawlada Sweden bixisay
20- Qandaraaskii Mashruucii Gaadiidka baadhayey ee Dekeda Berbera isbaarada Loo dhigtay oo u socon waayey.
21- Qandaraaska Nabadgelyada (safety and Security ) ee Dekeda Berbera.

Waxaa waxgaradka reer Somaliland ka dhawaajiyeen in iyada oo waxaas oo Qandaraas boob ah iyo xaqdaro ahiba ay dalka ka dhaceen in hadana weli shaqsiyaadkii dalka dhoobo qaaday ee boobay ay sare u soo fadhiyaan oo ay dhuunta u fadhiyaan mashaariicda qarsoon ee la doonaayo in dhawaan dalka laga fuliyo. Waxaa baa’bay Mamuuskii iyo karaamadii Dawadnimo, Waxaa wiiqmay milgihii iyo magacsamaantii qaranimo taas oo shacabku isku raaceen shaqsiyaadka Habaaran ee meel ka dhaca ,boogta iyo barta madow ku ah Xukuumada Siilaanyo ee isnuuga ah.
Xukuumada maanta talisa waxaa hantida ummadda loogu Aaminay in ay caddaalad iyo sinaan ku maamusho, Laakiin taasi maydhicin oo waxaa arin laga yaq-yaqsiyooda noqotay in 21-kan qandaraas ee sare ku taxan lagu naasnuujiyey si isireysan oo qaraabo kiil ah oo duudsi ah oo baalmarsan shuruucda qandaraasyada ee dalka u yaala shaqsiyaad xaafadeysan oo hada ku gaafanoobey libqinta iyo laba liska dheefta iyo dhadhankii yaraa ee ilihii dhaqaalaha ee wadanka lahaa,Taas oo ah arin ula kac ah oo ku qotonta sife balaadhan iyo hadaf qorsheynsan oo waqti dheer ah.

Dabagal iyo Baadhis-dheer ka dib waxaa aqoon yahanka iyo fogaan araga reer Somaliland isku wada raaceen in aan Qandaraasyadan badan ee dhinaca ka raran badankooda aan Ganacsatada Somaliland loo soo bandhigin si loogu tar tamo sife xalaal ah oo xaliibnaan leh laakiin lagu bixiyey sife qaraabeysan, gacan wadaag ah oo qusum iyo qoon ah. Taas oo mujtamacii reer Somaliland oo dhan ucadaysey in aan maanta loo sineyn Yuhuuntii iyo wada lahaanshihii dawladnimo, maadaama ay shacabka reer Somaliland ucadaatey in manfacii, mooradii iyo ilihii dhaqaalaha ee dalku uu dhinac uciirey. Hadaba hadii aan loo sineyn, loo tartameyn oo aan la qaybsan duxda iyo iidaanka yar ee dalka, waxaa halis khatar ah geli doona Degenaanshaha guud iyo Dimuqraadiyadii Dalka. Danta guud ee JSL waxay ku jirtaa maanta in wadanka la badbaadiyo oo lagu soo dabaalo kefedii miisaanka aheyd ee sharciga aheyd, Qandaraas kastana waa in lagu bixiyo sife muraayad ah oo tar tan ah oo xalaal ah oo xalibnaan, Xisaabtan iyo Xigmad dawladeed ku dheehan tahay.

Waxaan idiinku soo garoocayaa maanta ………!!
Shacabow- Shacabow tiraa kaa gedmane wax isu gey-geyso
Allow sahal amuuraha- Aakhiro samaan Ooman baa yimiye!!
Allaa Mahad iyo Mudnaan Leh
Wehelkiin Waa Alleh iyo Nebi (scs)
Walaahum-Aclam-Wa Billahi-Towfiiq
Qalinkii A/rahman Fidhinle
Qoraa Madax Banaan
Intensive ED BD PA
London UK