Dibadbaxyo Lagu Taageerayo Marxuum Madaxweyne Qaddaafi Oo Ka Dhacay Magaaladu Kacdoonkii Lagu Riday Ka Bilowday

0

Taageerayaasha hoggaamiyihii la dilay ee Libiya Mucammar Al-Qaddaafi ayaa magaalada Benghazi ee bariga dalka salaasadii isugu soo baxay dibad bax ballaadhan oo ay ku taageerayaan hoggaamiyihii kacdoonka dadweyne lagu riday ee dalka Mucammar Al-Qaddaafi.

Mudaharaadkan oo ahaa mid aan marnaba laga filanayn in uu ka dhaco Liibiya oo gaar ahaan magaaladan ah waxa ay dadku ku dhawaaqayeen ereyo ay ka mid yihiin magaca hoggaamiyihii dalkaas ee 42ka sano gacanta birta ah talada ku hayey, iyaga oo ku celcelinayey “Mucammar … Mucammar” laakiin dadkaas waxaa si cadho leh xoog ugu kala kaxeeyey kuwo iyaguna aragti ahaan ka soo horjeeda oo adeegsaday dhagxaan iyo rasaas nool.

 

Mucammar Qaddaafi ayaa kacdoon dadweyne lagu riday sannadkii 2011, muddo gaaban kadibna isaga oo dhuumaalaysi ku jirana waxaa dilay maleeshiyo hubaysan oo kooxaha kacdoonka ka mid ahaa.

Dadkan dibadbaxa isugu yimid ayaa sitay boodhadh waaweyn oo ay ku yaallaan sawirrada Qaddaafi, waxa aanay codsanayeen in xabsiga laga sii daayo wiilkiisa Sayful-Islaam oo ay toddobaadkii hore maxkamad xarunteedu tahay magaalada caasimadda ah ee Tripoli ku xukuntay dil kadib markii ay sheegtay in lagu helay dembiyo uu galay intii uu socday kacdoonkii xukunka lagaga caydhiyey aabihii iyo Sacad Qaddaafi oo isagana maalmo kadib ay maxkamad kale ku xukuntay dil sababtaas hore oo kale leh.

Dadka dibad baxa samaynayey waxa kale oo ay ku dhawaaqayeen ereyo xilligii Qaddaafi telinayey dalkaas caan ka ahaa oo aan marnaba cidi filayn in ay soo noqon doonaan,  kuwaas oo ay ka mid ahaayeen, “Allaah, Mucammar iyo Liibiya iyo bes” oo ay uga jeedaan in Ilaahay iyo Mucammar iyo Liibiya haddii ay haystaan aanay cid kale u baahanyn ama aanay jirin. Sidoo kale dadkani waxa ay lulayeen calankii cagaarka ahaa ee dalkaasi caanka ku ahaa  xilligii Qaddaafi, laakiin la beddelay kacdoonkii kadib.

Magaalada Benghazi oo ay taallo xudunta boqortooyadii uu xukunka dalkaas ka tuuray Qaddaafi, waxa ay ahayd goobtii ay ka bilowdeen kacdoonnadii dhiigga badani ku daateen ee Qaddaafi qudhiisana markii dambe xukunka lagaga riday, sidaa awgeed in hadda ay ka dhacaan kacdoonno lagu taageerayo Qaddaafi waxa ay dad badan ula muuqataa arrin muujinaysa sida muddadii ka dambaysay dawladdii Qaddaafi aanay dadkaasi u helin nidaam qanciya iyo adeeg dawladnimo oo ay ku illaawaan Qaddaafi, waxaa iyaduna aan meesha ka madhnayn in xaaskii Qaddaafi ee u dhashay carruurta ay ku jiraan wiilasha hadda xidhan ee dilka lagu xukumay ay dhalasho ahaan ka soo jeedday magaaladan, taasina ay keenayso in xidhiidh qaraabonimo uu ka mid yahay sababaha kiciyey kacdoonkan hadda lagu diidan yahay in la dilo wiilasha Qaddaafi.