Wararkii U Danbeeyay Doon Ay Saarnaayeen Boqolaal Tahriibaal Ah Oo Ku Qaraqantay Xeebaha Dalka Libya

0

Wakaaladaha Wararka-(BGN)- Ciidamada Illaalada xeebaha ee dalka Talyaaniga, ayaa sheegay in doon nooca kalluumaysiga ah oo siday Boqolaal qof oo tahriibayaal ah, in ay ku qaraqantay xeebaha dalka Libya.

War ka soo baxay goor dhawayd ciidamada Illalada xeebaha Talyaaniga, ayaa lagu sheegay in badda laga soo saaray 150 qof oo ka mid ahaa muhaajiriintii doontay rogmatay la socday, iyada oo cabsi xoog leh laga qabo nolosha tiro intaa ka badan oo tahriibayaal ah oo doontan la socday.

Warku waxa kale oo intaa ku daray in ay doontani qalibantay markii Boqolaal Tahriibe oo saarnaa ay u wada yaaceen uguna urrureen dhinac ka


mid ah doonta, kaddib markii ay arkeen markab kuwa gurmadka ee samata-bixinta ah, taasina ay keentay in ay doonto qalibanto.

Doontan ay tahriibayaashu saarnaayeen ee qalibantay ayaa lagu soo waramayaa in cilad xaga farsamada ahi ay la soo deristay ci,ilada badda oo xumayd awgeed, iyada oo maraysa meel 25 Km, u jirta xeebaha badda dalka Libya, taas oo keentay in ay doontaasi qeylo dhaan sama-bixin ah u dirsato jasiirada Sicily, waxaana markiiba goobtii shilkani ka dhacay gurmad ahaan ku soo gaadhay dhowr doonyood oo kuwa sama-ta-bixinta ah iyo Seddex diyaaradood oo ah kuwa qumaatiga u kaca.